Sawirro: Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ka qaybgalay Madal looga hadlayo Dar-dargelinta waxqabadka Xukuumadda

2 May 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qaybgalay Madal looga hadlayo Dar-dargelinta waxqabadka Xukuumadda.

RW mudane Khayre ayaa ka jeediyey Munaasabadda Khudbad ka hadlaysa qorsha Xukumaddu ay ku doonayso in ay dalkaan ka hormariso dhinacyada kala ah Siyaasadda Arrimaha gudaha ,dhaqalaha, waxbarashadda, Caafimadka iyo midnimadda siyaasadda Midaysan ee Caalamku Soomaaliya kula macaamilayso .

“waa inan shacabka dhex galnaa oo an dhageysanaa talooyinkoodda ,waa inan aqbalnaa Isla xisaabtanka ,waa inan Ciidankeena dhiiri galinaa Ciidankeena aniga xitaa hadii ay iigu yeeraan inan ugu tago meesha ay jogaan xitaa hadii aan naftayda ku waynayo”.ayuu yiri R/wasaaraha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Wasiirada madasha ka soo qeybgalay ayaa ku booriyay in ay ka faa’ideestaan Fursadda Wanaagsan oo ay Dalkooda iyo shacabkooda maanta dhibaatada ay kaga saari karaan.

“Maanta waxaad haysataan Fursad wanaagsan oo aad dalkiina uga saartaan Dhibaatadda, isla markaana ad samaysaan Tariik lagu xasuusto Xukumadda ,taana waxaad ku samayn karaysaan in ad wada shaqayn wanaagsan yeelataan dhexdiina “ayuu yiri Ra’iisul wasaaraaha

Madasha lagu soo bandhigayay waxqabadka Xukuumadda waxaa lagu sharxay Boorar ay ku xardhanyihiin halkudhigyo ay ka mid yihiin “Kororka kalsoonida Sahacabka waa korarka Daqliga Xukuumadda” iyo “Amniga waa udub-dhaxaadka Hormarka Bulashada”

IMG_20170502_101227

IMG_20170502_101253

IMG_20170502_101230

IMG_20170502_101245
Puntlandes.com

About The Author