Dhagayso: Madaxweyne Dr Gaas oo si qoto dheer uga hadlay Horumarka ay Xukuumadiisu ka wado Puntland

2 May 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaa ka hadlay hormarumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee ay wado xumuumadda uu madaxweynaha ka yahay.

IMG_1776

Madaxweynaha ayaa sheegay in mashaariicda ay ky dhisayaan kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ay abuurayaan Shaqooyin badan ay ka faa’iidaystaan dhalinyarada reer Puntland ee iminka shaqo la’aanta ah.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inuu doonayo inuu shacabka reer Puntland ee doortay uu uga tago mashaariic waawayn oo ah kaabayaasha dhaqaalaha Puntland uuna doonayo oo kaliya inuu taariikh uga tago shacabkii doortay.

Dhagayso waraysiga madaxweyne Dr Gaas


Puntlandes.com

About The Author