Dhagayso-Daawo Video: Xildhibaan ka tirsan Barlamanka Julaband oo banaanka keenay maamul xumada, Dhul boobka Axmed Madoobe kuna baaqay…
3 May 2017 (Puntlandes) Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf oo kamid ah Baarlamaanka Jubaland oo dhowaan laga Masaafuriyey magaalada Kismaayo, ayaa shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in wado xun uu Axmed Madoobe ku Hogaaminayo Maamulka Jubaland, Islamarkaana wuxuu ku dhowaaqay Garab Mucaarid ah ku ah Xukuumada Jubbaland,.
Xildhibaanka ayaa eedo aad u waawayn usoo jeediyey Madaxwaynaha Jubaland Axmed Madoobe Isagoo Xusay in Diyaarad uu ka degi waayey Isaga iyo Xubno kamid ah Qoyskiisa.
Xildhibaanka ayaa waxa uu cod dheer ku sheegay in Axmed Madoobe madaxweynaha Jubaland uu awoodii oo dhan gacanta u geliyey Qoyskiisa isagoo tusaale usoo qaatay sidan hoose:
- In badan oo ka mid ah wasiirada Jubaland ma lahan aqoon ay ku shaqeeyaan waxaana sidaas doonaya Axmed Madoobe
- Shaqaalaha dawlada Jubaland wax ka badan 85% waxay kasoo jeedaan Qoyska madaxweynaha
- Ciidamada dawlada Jubaland wax ka badan 90% waxay kasoo jeedaan Qoyska madaxweynaha
- Taliyayaasha Ciidamada dawlada Jubaland wax ka badan 95% waxay kasoo jeedaan Qoyska madaxweynaha hoos ka eeg Taliyayaasha kasoo jeeda qoyska madaxweynaha:
- -Taliyaha Nabadsudda
-Taliyaha Daraawiishta
-Taliyaha Ciidan XDS
-Taliyaha Dekedda
-Taliyaha Garoonka
-Taliya Booliiska
-Taliyaha Madaxtooyadda
- Laamaha Garsoorka dawlada Jubaland wax ka badan 95% waxay kasoo jeedaan Qoyska madaxweynaha, hoos ka eeg inta kasoo jeeda qoyska madaxweynaha:
-Xeer ilaaliyaha
-Gudooiyaha maxkamadda Gobolka
– Gudooiyaha maxkamadda Rafcaanka
Waana sadexda xil ee ilaa hada magacaaban, waana madaxweynaha Qoyskiisa
Dhagayso- Xildhibaan
Puntlandes.com