Dhagayso: Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Dekedda Garacad, Garoono laga dhisayo Buhodle & Badhan
3 May 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaa ka hadlay mashaariicda hormarineed ee iminka ay wado dawlada Puntland.
Waraysiga oo qaybo sadex qaybood ahaa ayuu Qaybtaan 3aad ee wareysiga oo ugu dambaysay waxa uu madaxweynuhu uga hadlayaa badankeeda qorsha dawladdiisa ee soo aaddan, lana xiriira hormarinta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.
Madaxweyne Gaas ayaa ka hadlay inay ku jiraan Dekedda Garacad, Wadooyin laami ah oo badan, Garoono Diyaaradeed oo laga dhisayo Buhodle & Badhan mashaariicda horumarineed ee ay dawladiisu qorshaynayso dhawaan.
Dhagayso waraysiga madaxweyne Gaas
Puntlandes.com