Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo caawa lagu dilay Muqdisho

3 May 2017 (Puntlandes) Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya Cabaas Siraaji ayaa caawa fiidkii lagu dilay magaalada Muqdisho.

235-1c7

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka lagu dilay agagaarka Madaxtooyada, xilli uu saarnaa gaariga, iyadoo ay ilaaladiisa is rasaaseeyeen Ciidamo kale oo ilaalinayey Hantidhawrka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Nuur Jimcaale .

Allaha u naxariistee Cabaas Siraaji ayaa ahaa Wasiirkii ugu da’da yaraa ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa dhalinyaradii ku soo biirtay Baarlamaanka Federaalka.

Puntlandes.com

About The Author