Wasiirka Arrimaha Dibada oo sheegay in khilaafka uu caqabad ku yahay horumarka dowladda

751

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Maalgashiga DFS C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu saraysa  dowlada uu caqabad ku yahay dowladnimada iyo horumarka la hiigsanayo.

Wasiir Beyle oo iminka ku sugan isu taga Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu wareysi uu siiyay idaacada VOA somali waxaana uu ku sheegay in khilaafka jira uu dhib ku yahay dowladnimada iyo Hiigsigsiga 2016.

“Khilaafka iyo is jiid jiidka madaxda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wixii dowladda u qabsoomay, xalka hada waxaa ku jira beesha Caalamka, waana la soo afjari doonaa”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in la doonayo in sanadka 2016 dalka ka dhacdo doorasho, waxaana uu xusay in hadii uu sii socdo is jiid jiidka siyaasadeed ay suura gal tahay in la gaari waayo sida uu yiri.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DFS ayaa waxaa u dhaxeeya khilaaf ka dhashay isku shaandheyntii yarayd ee uu Ra’iisul Wasaaraha sameeyay Sabtidii 25 ki okt, taasoo u cuntamiwayday Hogaamiya Rasmiga ah ee Villada Hogaamiye Faarax Cabdulqaadir iyadoo Madaxweynuhuna uu ku taageeray Faarax,

Puntlandes.com

About The Author