Daawo Video: Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Maanta Buhodle ugaga dhawaaqay in madaxda SSC ee ku jira dawlada PL ay ka qayb galayaan shirka ay Isimadu ku baaqeen

4 May 2017 (Puntlandes) Maxdaxweyne kuxigeenka Puntland Inj Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, oo maalmahan ku sugnaa magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn, ayaa maanta ku dhawaaqay in madaxda SSC ee ku jira dawlada Puntland oo uu isagu ugu horeeyo ay ka qayb galayaan shirka ay Isimada SSC ku baaqeen in lagu wad tashanayo magaalada Buuhoodle.
235-1b8
Shir ayey Isimadu ku baaqeen kadib markii uu Cali Khaliif Galayr iyo maamulka Khaatumo ay ku biireen Somaliland.

Dhanka kale Inj Camey ayaa maanta Buuhoodle xariga ka jaray dhismayaal muhiim ah oo ay xukuumadda Puntland ka fulisay Buuhoodle halka uu qaar kalena dhagax dhigay.

Puntlandes.com

About The Author