Akhriso sababta Xilka looga qaaday Hanti dhowraha Qaranka!!!
4 May 2017 (Puntlandes) Kulan ay caawa golaha wasiirada dowlada Federaalka Soomaaliya isugu yimadeen ayaa waxaa xilka looga qaadey Hanti dhowrka Qaranka kadib markii ilaaladiisa dishey xalay wasiirka howlaha guud ee DFS marxuum Cabaas Siraaji.
Kulankaan oo uu shir gudoominayey Ra’isal wasaraha Somalia Xasan Khayre ayaa waxaa lagu go’aamiyey in xilka laga qaado Hanti dhowrka Qaranka.
Tallaabooyinka xilka looga qaaday Hanti Dhowrka Guud Dr. Nuur Faarax
1- Guddiga Baaritaanka waday oo ugu horeyn dalbaday in xasaanada laga qaado, taasoo sababtay in xilka laga qaado
2- in isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.
3- Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil, sidaas darteedna Guddiga baaritaanka waday ay soo bandhigeen cadeymo muujinaya in hal xabad kaliya ay dhacday, oo aheyd tan lagu dilay Wasiir Cabaas.
4-in askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Wasiirka qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray
Puntlandes.com