Dhagayso: Hanti Dhawrihii hore oo ka horyimid Xil ka Qaadistii Golaha wasiiradu ku sameeyeen
5 May 2017 (Puntlandes) Kullan deg deg ah oo ay xalay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada DF Soomaaliya magaalada Muqdisho ayay uga hadleen xaaladaha amaanka Muqdisho iyo dilkii loo geystay Allah u naxariistee Wasiirkii hore Howlaha Guud Cabaas Sheekh Cabdullahi Siraaji.
Kullankooda ka dib ayey Golaha wasiiradu shaaciyeen inay xilkii ka qaadeen, Hanti dhowrka Guud Qaran Dr Nuur Faarax, oo ilaaladiisa ay dileen wasiirka.
Dr Nuur ayaa ku gacan seyray xil ka qaadistaas isagoo sheegay inuusan u hogaansanayn.
Nuur oo waraysi kooban siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay inuu ku gacan sayray xi ka qaadistaas.
Dhagayso warbixin dheer oo ay VOA ka diyaarusay
Puntlandes.com