Shirkadda Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha PL oo lagu amray inaysan adeegyo siin karin qof aan lahayn Aqoonsiga dhalashada Puntland
Garowe(Pes) Wasaradda arrimaha gudaha iyo hormarinta dowladaha hoose ee dowladda Puntland ayaa waxay soo saartay Wareegto ku saabsan inaysan Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Xarumaha Xawaalaha Puntland inaysan wax Kaarar telefoon ah ama lacagaha la isku diro awood u siin karin qofkii aan haysan Kaarka dhalashadda Puntland.
Wareegtadan ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) 27-bishaan October oo maanta lasoo gaarsiiyay Puntlandes,com.
”Haddaba waxa laga codsanayaa mas’uuliyiinta ay warqadani ku socota iyo shirkadaha Xawilaadaha, kuwa Taleefoonadda iyo Laamaha Amniga gaar ahaan laanta socdaalka iyo CID-da in laga bilaabo 27 October 2014 cid aan haysan waqadda aqoonsiga ID-Cardka aan la siin karin, kaararka ku hadalka Taleefoonadda (Sim-Card) iyo Lacagaha la isku diro nooc kasta oo la iskugu diro”. Yuu Wasiirku ku leeyayahay wareegtadan.
Waxay mudan tahay Taageero iyo Bogaadin in ay dawlada Gaas hirgaliyo qaadashada Kaarka Dhalasho dalkeena, waana in ay qaataan Muwaadiniinta reer Puntland. Laakiin waa in ay dawladu u martaa ku qasbida Muwaadiniinta in ay Qaataan Kaarka dhalashada si cilmiyeysan oo aan iska dheh ahayn.
Waa Su’aale sidee ayey macquul u tahay in dawladu soo saarto wareegto ku taariikhaysan 27 ka okt 2014 oo la faafiyey 30 ka okt laguna mabnuucayo in adeegyo loo saameeyo qof aan wadan warqada aqoonsiga Puntland. Waxaa muuqata sidii caadada u ahayd dawladan in aysanba ka fiirsan kana baaraandegin ka hor Wareegtada waxa ka imaan kara iyo sida ugu sahlan ee loo dhaqan gelin karo.
Haddii ay dhaqan gasho Wareegtadan waxaa adkaanaysa in dad aad u farabadan oo ku noolaa Biil ay ka helaan dibada ay noqonayaan Biil la’aan.
Halkan ka akri Wareegtada
Puntlandes.com