Eedeymo loo jeediyay xubno ka mid ah maaamulka SALAMA BANK Puntland
6 May 2017 (Puntlandes) Waxaa isa soo tareysa cabasho ka imaanaysa qaar ka mid ah shaqaalaha xafiisyada International NGOs ka gudaha Puntland oo ay walaac uga muujinayaan siday u shaqeeyaan laamaha SALAMA BANKI ku leedahay qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee gudaha dalka.
Masuuliyiin ka tirsan Hay,adda International NGOska Garowe ayaa ku eedeynaya maamulka qeybta GAROWE ee SALAMA BANK inay kala kulmeen is-hortaag aan sharci ku ahayn oo loogu diidey lacag deyn inay ku qaataan madaama shuruucda bangigu ogoshahay deynta, balse taas bedelkeeda ay suuro galin weyday ka dib xubno ka mid ah maamulka bangiga oo tartan suuqa ah kula jira.
Xubnaha ka tirsan shaqaalaha NGOs ee ka cabanaya qaar ka mid ah maamulka SALAMA BANK ayaa sheegay inay ku timid arrintan ka dib markii qeybtood qandaraasyo Hay,adduhu ay soo dhejiyeen lagu xujeeyay shuruudo ah in dhaqaale ugu jiro Account’s shirkadahooda, balse nasiib daro midaasi ay ka socon wayday shaqsiyaad u shaqeeya SALAMA BANK oo leh qudhoodu shirkaddo u gaar ah oo u tartama qandaraasyada Hay,adduhu ay soo dhejiyaan.
Fiiro gaar ah arrintani waxay ku keenaysaa SALAMA BANK sumcad daro iyo kalsooni xumo madaama xubno ka mid ah maamulkiisa lagu eedeynayo ku danaysi sharci daro hantida dadweynaha u taala bangiga.
Puntlandes.cim