DHGAYSO: Wasiirka Waxbarashada Puntland Prof Abshir Aw Yusuf oo ka warbixiyey horumarka & heerarka kala duwan ee Waxbarashada Puntland
7 May 2017 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada dawladda Puntland Prof Abshir Aw Yusuf ayaa uga waramay golaha1960 iyo Websaydhada ay wada shaqeeyaan Horumarka balaaran ee ay wasaaradda Waxbarashada dawladda Puntland samaysay sanadihii u dambeeyey.
Dhanka kale Wasiirku wuxuu ku dheeraaday Samaynta Manhaj midaysan oo loo samaeeyey Dhamaan iskuulada Puntland, Tababarka Macalimiinta, Waxbarashada dadban ee Dhulka miyigaa,Taageerida Ardayda dhaqaalahoodu Hooseeyo iyo kuwa caawimada u baahan.
Prof Abshir ayaa waxa uu sheegay inay xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Dr cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay Waxbarashaii gaarsiisay dhulkii “gaari waaga” loo yiqiin ayna ka dhiseen 9 xarumood ama Iskuulo oo Reer Miyiga la guura, sanadkii 2016 waxaa Xeebaha Puntland laga dhisay 32 ISKUUL iyadoo iminka helaan Caruurta halkaas ku nool waxbarasha.
Wasiirka ayaa sheegay inay 6240 macalin ay ka hawlgalaan Iskuulada Puntland in ku dhow 1000 Iskuul, waxaa kale oo Puntland ka shaqeeya 13 Jaamacadood.
Wasiirka ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay Taageerada ay siiyaan Dowlad Goboleedada kale ee ku Saabsan dhinaca Waxbarashada iyo tayeyteeda.
Dhagayso waraysiga Wasiirka Waxbarashada oo uu ka qaaday Weriye Dhegood
Puntlandes.com