Daawo Video: Wax ogow Wasaarada waxbashada DFS ”…waxaan haynaa wasaarad ay 70% in ka badan ay yihiin madax sare.. 20% waa dadka aadka u hooseya”
7 May 2017 (Puntlandes) Raysul wasaaraha DFS Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan waxa uu booqasho ku tagay Wasaarada Waxbashada DFS wuxuuna kala soo kulmay arin laga naxo oo aan la jaanqaadi karin dawladnimo.
Wasiirka wasaaradda waxbarashad DFS Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo ka warbinayey shaqaalaha Wasaaradda ayaa sheegay in wasaaraddu ay leedahay 7 Waaxeed waxaana ka shaqaysa 18 Agaasime, wuxuu kaloo wasiirku intaas ku daray inay wasaaraddu leedahay 46 madax qaybeed CAJIIB!!
Wasiirka ayaa warbixintiisa ku yiri ”todobo waaxeed ayey ka kooban tahay wasaaraddu, waxayna leenaday 18 Agaasime waaxeed, Waxay kale oo wasaaraddu leedahay 46 madax qaybeed, 13 dawal ayey wasaaraddu leedahay, hal baabuurna ma lahan, 3 daan qol waxaa ku qoran inay nadiifiyaan 9 qof halka ay labo ku filan tahay.. waxaa kale oo aan leenahay La Taliye-la taliya- la taliye, waxaan kale oo leenahay jogooyin aan jirin oo loogu magac daray mas’uulka halkaas iyo halkaas…waxaan haynaa wasaarad ay 70% in ka badan ay yihiin madax sare…. 20% waa dadka aadka u hooseya”
Wasiir Cabdiraxmaan howsha Allaha u fududeeyo ma sahlana in la hogaamiyo goob noocaas oo kale ah, maxaa yeelay maba jiraan Aqoonyahankii ama Khibrad lihii shaqada wadi lahaa wasaaradda waxay u qaybsantaa madax aad u faro badan iyo Shaqaale hoose oo aad u yar.
Puntland & Somaliland
Waxaa xusid mudan Puntland & Somaliland oo ka mid ah Soomaaliya inay leeyihiin wasaarado waxbarasho oo si waafi ah u shaqeeya lehna khibrad shaqo oo aad u fiican maadaama ay soo jireen ama soo shaqeeyeen muddo aad u dheer, hadana in Wasaaradda Waxbarashada ee DFS oo caynkaas ah ay ku doodayso inaysan bixin karin Shahaado ayna tahay in Muqdisho loo dabo fariisto waxwalba.
Daawo muuqaalka uu ka diyaariyey SNTV
Puntlandes.com