Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka

12 May 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha JF Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay Xoghyaha Gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis, iyagoo ka wada hadlay arrimaha ammaanka iyo dhismaha Ciidamada.

235-2b5a

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Mareykanka ee arrimaha ciidamada, qalabeynta, iyo sidii Al-Shababa looga saari lahaa meelaha ay gacanta ku hayaan.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo shalay khudbad ka jeediyay shirkii London ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay qorshaha Amniga Qaranka

Jim Mattis ayaa sheegay inay taageersan yihiin qorshaha amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya soo diyaarisay, waxaana uu tilmaamay inuu Mareykanka sii xoojinayo tababarka Ciidamada Soomaaliya.

Todobaadkii hore askari mareykan ah oo ka mid ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa lagu dilay howl gal ay ku taageerayeen Ciidamada Kumaandooska, kuwaasoo weerar ku qaaday saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Shabeellaha Hoose.

Bishii hore ayey dawladda Mareykanku Ciidamo u soo diray Soomaaliya, kuwaasoo tababaro siinaya Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sida ay sheegtay.

Puntlandes.com

About The Author