SAWIRRO: MADAXWYNE DR GAAS OO KULA SHIRAY CAASIMADA DALKA FINLAND EE HELSINKI SHIRIKAAD WAAWEYN OO MAALGASHI

24 May 2017 (Puntlandes) Waxaa shalay kulan gaara wada qaatay madaxwaynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo shirkado maalgashi oo ka jira dalka Finland.

Kulanka oo dhex maray wafti heer sare ah oo hogaaminayo Dr Gaad iyo madax ka kala socotay shirkado maalgaashi, waxaana laga wada hadlay fursadaha uga banaan shirkadahan guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland.

Waayadan danbe waxaa dalalka reer galbeedku gaar ahaan Maraykanka iyo Ingiriisku ku hawlan yihiin sidii looga wada macaashi lahaa khayraadka yaala dalka soomaaliya,iyadoo wadan walbaa doonayo in uu maalgashado dalka soomaaliya.

Puntland oo ka kooban gobolo badan oo leh dhul aad u baaxad wayn ayaa ah meel aad loo danaynayo dhanka kaluumaysiga iyo khayraadka dabiiciga ah ee kale sida saliida cayriin.

Shirka Shirkadaha iyo wafdiga uu hogaaminayey Dr Gaad ayaa wuxuu kusoo dhamaaday guul iyo is afgarad.

pastedImage(9)
pastedImage(8)

pastedImage(6)

pastedImage(7)
puntlandes.com

About The Author