XAGGEE BUU WARKU KA YIMAADAA? W/Q:- ABSHIR ABDULAAHI

Ilaha warka:

  • Suxufiyiintu waxaa ay wararka ka helaan meel kasta. Laakiin wararka badankood waxay ku yimaadiin seddaxdaan hab midkood:-
  • Dhacdo si dabiici ah isaga dhacday, sida musiibooyinka ama shilalka.
  • Howlo la sii qorsheeyay, sida kulamo, bannaanbaxyo ama shirar.
  • Dadaal uu sameeyay saxafigu.

 

  • Dhacdooyin aan horey loo sii qorsheynin waxaa ay noqdaan war weyn. Tusaale ahaan warka ku saabsan Tsunami, Diyaarad burburtay iyo Markab dagay waxaa uu noqonayaa war weyn kaasoo aan hal maalin ku ekaanin oo maalmo kadib ayay wararkoodu sii jiri karaan, faahfaahin dheeraad ahna laga sii bixin karaa, haddii ay dhacdadu saameyn sii yeelato.

Ilaha warka:

 

  • Xaddiga laga warbixinayo dhacdada waxaa uu ku xiran yahay dhawaanshaha warka iyo cidda ku lugta leh. Shil Baabuur oo aad u xun ma noqonayo warka maalin waliba dhaca, laakiin shil Baabuur oo ka dhacay Paris 1997-dii waxaa uu ahaa war aad u weyn oo adduunka oo dhan laga sheegay sababtoo ah mid ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay waxaa ay aheyd Amiiraddii Wales (Ingiriiska) ee Diana, waana shil tusaale loo soo qaadan karo mararka shilalka qaarkood laga sheekeynayo.

 

  • Dadka degaaka– Suxufiyiintu waxaa ay wararka ka helaan dadka deegaanka.
  • Dadka jawaabta degdegga ah bixiya–  Sidoo kale waxaa ay ka helaan dadka marka ugu horeysa jawaab ka bixiya fal dhacay sida Booliska, Dhakhaatiirta, Dabdamiska iyo dad si kale ugu dhaw dhacdada.

 

Ilaha Warka:

 

  • Jadwalka dhacdooyin dhici doona – waxaa ay ka caawiyaan wariyaashu in ay warar helaan. Tusaale ahaan shirarka dowladda, furitaanka goobo ganacsi ama dhacdooyin ay bulshadu qabato, munaasabadaha qaran sida 1da July, munaasabadaha iyo shirarka caalamiga ah, sida Maalinta Shaqaalaha Adduunka, shirweynaha Golaha loo dhanyahay ee qaramada Midoobey, Koobka Kubbda Cagta ee Adduunka I.W.M.
  • War saxaafadeedyadu – waxaa ay ku jiraan illaha ay warka ka helaan wariyayaashu. Laakiin war saxaafadeedka waxaa loo eegaa xiisaha uu leeyahay ee ma aha warsaxaafadeed walba in war laga diyaarinayo, waxaana mararka qaarkood dhacda in warsaxaafadeedyada ay isku shaac bixinayaan shaqsiyaad gaar ah, ururo ama hay’ado,
  • Waana in wariyuhu xaqiiqsadaa dhabnimada iyo muhimadda warka meeshaas ku jira, markaa kadibna uu bilaabaa su’aalo weydiin si uu u qeexo dhadhanka warka ka hor inta uusan weriyuhu go’aan ka gaarin in warku mudan yahay in la sheego iyo in kale.

 

La soco qaybta 2-aad Casharka Cilmiga Suxufiyiinta

778

Diyaariye :- Abshir Abdulaahi Mohamed

 Suxufi madax banaan 

Garowe

Daabacaada: Puntlandes.com

 

About The Author