Federaaldiidkoow ”Baroortu Orgiga ka wayn”

Laga soo bilaabo markii madaxweyne xasan culusoow iyo Xertiisa (Tolkii) ay ku soo bandhigeen ”Show” loogu yeeray ”heshiis lagu dhisayo maamul ama dawlad ka mid noqota Federaalka Somalia oo ka kooban Gobolada Mudug iyo Galgaduud”. Waxa meeshaas ”Villa Wardhiigleey” lagu soo bandhigay waxay ahayd Jilaafadii ugu dambaysay oo la rabo in loo dhigto in Somalia noqoto Federaal maxaa yeelay waa ogyihiin in aan laga yeelayn marna in ay qaataan Gobolka Mudug oo ka tirsanaa Puntland 16 sano, ahana tiirdhexaadka Puntland. Laakiin waxay istuseen in ay ku murmaan iyagoo isticmaalaya magaca DFS in ay si aan dastuuri ahayn u yiraahdaan anaa go’aaminayna cida israacaysa iyo say isku raacayaan si ay u furaan buuq iyo sawaxan lagu doodayo in Federaalku uusan ku haboonayn Somaliyadooda. Iyagoo ku andacoonaya dagaalbaa bilaabanaya haddii lanoo diido in aanu qaadano Gobolka Mudug.

Waan wada xusuusanaa weedhii caanka noqotay oo reer Puntland dhibsadeen ee uu ka yiri Cabdi Qaybdiid Xafladii 30 kii july 2014 ka dhacday Villa Wardhiigleey ”Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin” oo uu ula jeeday waa la idinku sandulayn reer Puntlandnoow. Hadalkaas la iskama oran ee wuxuu ahaa hadal laga fiirsaday ujeedo dagaal hurina laga lahaa.

31 kii july ayaa dawlada Puntland ka hadashay iyadoo tiri waxaan doonaynaa in la cadeeyo waxa loola jeedo Gobolka Mudug iyadoo xiriirka u jartay Xamar. Raisul Wasaaraha ayaa booqasho ku tahay Puntland waxayna gaareen 14 kii okt 2014 dawlada Puntland iyo DFS heshiis ka kooban 12 qodob uuna ka mid yahay in aysan ku jirin maamulma loo dhsayo Gobolada Dhexe Waqooyiga Mudug oo Puntland ah. Isla markii la saxiixay Heshiiskaas ayaa waxaa hal mar wada bilowday Hanjabaadyo iyo goodin ay si cad u leeyihiin anagay nagu fiican tahay Mudug oo dhan in aan wado qaadano waana ka horjeednaa heshiiskaas waana mid xaaraan ah. Raisul Wasaarahana waxay ku eedeeyeen wax ay ugu yeereen khiyaano qaran,waa yaab. Waana sababta ay hada u rabaan in ay ku ridaan Raisul Wasaaraha.

BBC da iyo VOA da oo idaacado ay maalgaliyaan dawlado doonaya in ay Somalia xasisho ayaaba ugu yeeray Heshiiskaas in Waqooyiga Mudug laga jaray maamulkii Gobolada Dhexe. Saxaafada Xamar ku hadsatayna waxay bilaabeen dacaayad iyo waa la dagaalamayaa!!! Alhristoow bal halkan akhri adaa yaabine http://caasimadda.com/dagaaladii-sokeeye-oo-dib-loo-hurinayo/ . War haddii cid meel ku biirayso oo ay xuntahay in la kala gooyo Gobolka Mudug maxay Koonfurta Mudug u raaciwaysan Puntland?

Soow wax laga yaqyaqsoodo maaha in hal nin, labo nin iyo sadex nin oo isku qabiil ka soo jeeda in ay ku doodaan in ay iyagu yihiin Somali Madaxweyne Gaas na uu yahay Qabiili aysana sax ahayn in qabiil lagu kala jaro Mudug. Oo Mudug ma awalbuu ishaystay? Soow tii waqooyigiisu uu wax ka dhistay Puntland 1998 ,Ka horna ay SSDF xukumaysay, Koonfurina waxa ay ku diiday in ay ka mid noqoto Puntland uu haa Qabiil?  Ma Puntland baa kala qaybisay Gaalkacyo mise adaa xaafada baraxleey isbaaro dhigtay?

Somalia waxay Federaal u qaadatay waa in nin walba la soo shir tago kuna darsado kan kale waxa uu haysto ama leeyahay, (Dhulkiisa) ee Federaal looma qaaday in aad la soo shir tagto dhulkayga boobtana?

Waxaan ku soo gabagabaynayaa waa wax aan marnaba dhacayn waxaad damacsan tihiine amay idiin roon tahay in aad dhulkiina iimaansataan? Amay idiin roon tahy in aad Somali shidada ka daysaan? Amay idiin roon tahay in aad waqti lumiska joojisaan? Amay idiin roon tahay Federaalka ma joojin kartaane in aanu waqti intaa ka badan idiinka lumin?

Puntlandes.com

 

 

 

About The Author