XOG: Akhri siday u qaybiyeen Ergada maamulka K/G iyo meesha uu xaalmarayo

Shirka Maamulka loogu dhisayo 3-da Gobol ee Koofur Galbeed oo maalmahaan ka soconayey Magaalada Baydhabo ayaa hareeyay khilaaf ba’an oo ku salaysan qaabka loo qaybsanayo ergooyinka iyo sida uu shirku u soconayo. Gudiga maamul samaynta ayaa waxaa hogaaminaya guddi wasiiro ah oo DFS u magacawday shirka. Guddigaas oo kala ah Wasiirka Isboortiga Khaalid oo kasoo jeeda beesha Digil/Bagadi, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Cabdalla oo kasoo jeeda Biimaal iyo Wasiir ku xigeenka Amniga Ibrahin Yarow oo kasoo jeeda Beelaha Mirifle.

Wasiiradda kala ah Khaalid, Cabdalla iyo Ibrahin Yarow ayaa lagu eedaynayaa in ay shirka u maamuleen qaab cadaalad daro ah oo beelaha qaar lagu duudsiyey. Puntlandes ayaa waxay idiin soo gudbinaysaa qaabka gudiga Wasiiradu u qeybiyeen 378-da ergo iyo halka beeluhu ka taagan yihiin shirka:-

Beesha Ergo
Beesha Mirifle 201
Beesha Digil 70
Beesha Hawiye 40
Beesha Biimaal 48
Beesha Sure 3
Beesha Daarood 12
Beelaha kale 4
Wadarta 378

 

Marka laga reebo Beelaha Mirifle, Digil iyo Biyamaal inta kale Beeluhu way saluugsan yihiin Erganada loo qoondeeyey iyagoo u arka Cadaalad daro
Deegaano ka tirsan Gobolka Bay gaar ahaan Degmada Buur Hakabo oo beesha Gaaljecel degto, xubnahaan ayaan ku gacan seyray qaabka shirka u wadaan guddiga wasiirada, waxeyna cabashadooda gaarsiiyeen Xildhibaanada Beesha Hawiye, Madaxweyne Hassan Sheikh, RW Abdiweli, Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari iyo Xafiiska UNSOM Somalia, Waxayna si cad u sheegeen hadaan shirka qaabka uu u socdo la sixin , si cadaalad ahna wax loo qeybsan ineysan aqoonsan doonin gebi ahaanba wixii shirka kasoo baxa.

Gud. Jawaari iyo RW Abdiweli iyo Shirka

Prof Jawaari iyo RW Abdiweli waxay doonayaan in shirka la hakiyo oo aan lagu ansixin Dastuur, Doorashana aysan dhicin. RW Abdiweli wuxuu 1-da bishaan soo saaray warqad guddiga wasiirada ee shirka Baydhabo lagu amrayo inay soo galaan Muqdisho 2-da bisha 11-aad si looga wada tashto qaabka shirka, lana qanciyo beelaha aan qanacsaneyn. Iyadoo uu kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamankana Prof Jawaari soo saaray warqad uu ku ayidayo go’aanka Xukuumadda, Prof Jawaari iyo RW Abdiweli waxay kasoo horjeedaan in ergada wax doorato oo uu Shariif Hassan kusoo baxo,

Xildhibaan Shariif Hassan iyo qorshihiisa

Xildhibaan Shariif Hassan oo og siyaasadu inaysan lahayn saaxxib Jogto ah ayaa ka hor yimid RW Abdiweli, wuxuu ku biiray kooxda Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Farah Abdulkadir ee dooneysa in la rido RW Abdiwelim Shariif Hassan wuxuu doonayaa in Maamulka Koofur Galbeed ergadu ansixiso dastuurka, dooratana Madaxweynaha K/Galbeed, Xildhibaan Shariif Hassan ayaa la sheegayaa in guddiga wasiirada ee shirka hagaya isaga u shaqeynayaan, ergada shirka joogtana 90% isaga taageersan yihiin, haddii ergo dooranaysana uu isagu noqonayo Madaxweynaha K/Galbeed,
Shariif Hassan ayaa doonaya inuu hal mar gacan uga helo in Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Kooxda Damujadiid ee Farah Abdulkadir ku taageeraan qorshihiisa uu ku noqonayo Madaxweynaha Koofur Galbeed, taas bedelkeedana uu la rido RW Abdiweli oo uu haatan arkay qorshaha lagu ridayo inuu xawli ku socdo,

Madaxweyne Hassan Culusoow iyo Farah Abdulkadir

Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Kooxda Damujadiid oo ay ka go’an tahay inay ridaan RW Abdiweli ayaa doonaya taageerada Xildhibaan Shariif Hassan oo la sheego inuu taageerayaal xildhibaan ku leeyahay Baarlamaanka, iyagoo taas bedelkeeda ku taageeraya in uu noqdo madaxweynaha Koofur Galbeed.

Puntlandes.com

About The Author