Madaxweyne Gaas oo kulmay Safiirka Denmark ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoygiisa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku Qaabilay Safiirka Denmark ee Soomaaliya Ambassador Geert Aagaard Andersen iyo wafdi uu hogaaminayey.

Kadib markii uu Safiirka Dowladda Denmark ee Soomaaliya Ambassador Geert Aagaard Andersen iyo wafdi uu hogaaminayey ay soo gaareen magaalada Garoowe ee caasimada dawladda Puntland, ayaa waxaa kullan la qaatay Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kullankaan oo ahaa mid gaar ah oo dawladda Puntland iyo Dawladda Denmark ay kaga wada xaajoonayeen Barnaamijka Hiigsiga Cusub iyo horumarinta Mashaariicda Puntland ayaa waxyaabihii Kullankaasi looga hadlay waxaa kamid ahaa Doorka Dawladda Puntland ee Barnaamijka Hiigsiga Cusub (NewDeal) ee ka dhici doona bishaan Daba yaa qadeeda Magaalada Copenhagen ee caasimada Wadanka Denmark.

Safiirka Dawladda Denmark ee Soomaaliya Ambassador Geert Aagaard Andersen ayaa dhankiisa sheegay in Dawladda Puntland door sare ku yeelan doonto ka qeyb galka shirkaasi muhiimka ah ee lagu gorfaynayo horumarka Soomaliya.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay dhankiisa in dawladda Puntland diyaar u tahay wada kasta oo loo marayo Himilooyinka lagu taaba gelinayo horumarka Soomaaliya,laakiinse uu sheegay inay muhiim tahay in miisaanka Puntland leedahay ay kaga qeyb geli doonto shirkaa,taasina ay tahay mid aan gogortan badan u baahneyn.

Sidookale waxaa kullankaasi looga hadlay Barnaamijka Horumarinta dhinaca mashaariicda ee ka bilowday Puntland iyo doorka dawladda Denmarka ay ka qaadan karto ka qeyb qaadashada Barnaamijkaasi,waxaana labada dhinac ay isla garteen sidii dawladda Denmark gacan ugu siin laheyd Puntland dhinaca adeegyada Bulshada sida Waxbarashada,Caafimaadka iyo taaba gelinta Dimuqraadiyada.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn ku tiiq tiiqsaday sida ay uga go,antahay in siyaasad furfuran oo himilo duruqsan leh lagu hago Puntland,islamar ahaan taasna Dawladda Denmark ka codsaday in ay isgarab taagan Puntland.

780

782

783

784

785

786

 

Puntlandes.com

 

 

 

 

 

About The Author