Diyaarad ku burburtay garoonka Garbahaarey ee Gobolka Gedo
3 June 2017 (Puntlandes) Wararka ka imaanya gobalka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad Xamuul ah oo u rarnayd hey’adda Qaramada Midoobay ee WFP ay ku dhacday Garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolkaas.
Guddoomiyaha gobalka Gedo ee maamulka Jubbaland Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in diyaaradaan ay saarnaayeen labo qof oo kaliya iyo raashin gargaar ah, isla markaan ay ka bad baadeen labada qof ee saarnaa diyaarada.
Xuseen Maxamed Cabdi oo ka tirsan maamulka degmada ayaa sheegay in diyaaradda burburisay guriyihii ka ag dhowaa garoonka diyaaradaha oo ah halka ay diyaarada ku dhacday maanta.
Gudaha magaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo ayaa waxaa laga arkayay uuro iyo Dab ka baxaya diyaarada oo marka ay dhacday ka dib qabsaday, ilaa iyo hadda lama xaqiijin sababta keentay burburka diyaaradan.
Dhowaan ayaa sidoo kale, garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhacday diyaarad ka diiwaangashan dalka Mareykanka isla markaana u rarneyd shirkad AMISOM taageerta.
Puntlandes.com