Dowladda Federaalka oo war saxaafadeed kasoo saartay aragtideeda khilaafka dowladaha Carabta
7 June 2017 (Puntlandes) Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dowladaha Carabta
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dwladda Federaalka ku baaqeyso in khilaafka lagu dhameeyo wada hadal iyo is faham.
Mowqifka dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka ayaa ah mid cad oo ay ku muujineyso in aanay dhinacna ula safneyn dowladaha khilaafka u dhaxeeya.
Dalalka Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa ku dhawaaqay inay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dowladda Qatar, iyagoo safiiradooda dib ugala soo baxay, waxaa ay ku eedeeyeen in Qatar ay taageerto Argagixisada.
Hoose ka akhriso Wars saxaafadeedka:
Tr. June 07, 2017
Muqdisho – Soomaaliya
War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah)
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah.
Waxey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku baaqeysaa in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.
Puntlandes.com