XOG: Axmed Madoobe oo ku gacansayray inuu Dekedda & Garoonka wareejiyo, muxuuse Farmaajo ka yiri diidmadiisa?

7 June 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabulaahi Farmaajo oo shalay galab gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland ayaa sida ay sheegayaan wararka kusoo dhacaya Warbaahinta Puntlandes waxa uu Ahmed Madoobe usoo jeediyey inuu wareejiyo Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha, taasoo uu Axmed ku gacansayray.

22

Ahmed Madoobe ayaa ilo ay waraysatay Warbaahinta Puntlandes (PES) waxay sheegeen inuu ugu jawaabay madaxweynaha waxaan wareejinayaa Dekedda iyo Garoonka marka ay Puntland iyo Somaliland wareejiyaan.

Sida ay u sheegeen PES ilo xog ogaal ah oo Kismayo ku sugan, madaxweyne Farmaajo ayaa ugu jawaabay horta Somaliland xaga iska dhig waayo xaaladeedu waa gooni si gooni ahna waa loo galayaa, laakiin Puntland iyo idinku isku mid ma tihiin maxaa yeelay 20 000 bay bixiyaan mushahaaraadkooda kuwaas oo isugu jira ciidan iyo shaqaale adiguse cid aad mushahaar siisid ma jirto.

Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa u sheegay Axmed Madoobe Puntland Abnigeeda ayada ayaa ilaashata adiguna AMISOM ayaa ku ilaalisa waxaana ku baxa dhaqaale aad u farabadan, Puntland waxay ka talisaa dhul baaxadwayn adiguna Kismayo oo lagugu waardiyeeyo ayaad ka talisaa.

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo ayaa ka biyo diiday Ciidanka loo xareeyey inay ka mid noqdaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, kadib markuu ogaaday in 70% ay kasoo jeedaan Beesha Ogaadeen ee Axmed Madoobe wuxuuna ku amray in beelaha Soomaaliyeed ee  Jubaland u dhamaadaan ayna uga dhexmuuqdaan si isle’eg.

Waxaa xusid mudan on maamulka uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe dadka xilalka ka haya ama shaqaalaha ah 95%  waxay kasoo jeedaan Beeshiisa.

Xogtan ay heshay PES waxay intaas ku daraysaa in is faham waa ka dhex abuurmay madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe madaxweynaha Jubaland.

Waxaana lala wadaagay PES in Farmaajo isagoo caraysan uu garoonka Kismayo ka dhoofay maanta gelinkii hore, iyadoo ay qorshaysnayd  inuu sadex casho ku sugnaado halkaas.

Puntlandes.com

About The Author