Wararkii u dambeeyey ee khasaaraha weerarkii Malayshiyadda Alshaab ay kusoo qaaday Ciidanka Puntland ee Galgala

 8 June 2017 (Puntlandes) Wararka naga soo gaaraya Buuraha Galgala ayaa sheegaya in khasaaro xoog leh uu ka dhashay weerar ay malayshiyada Alshabaab kusoo qaaday Ciidamada Puntland ee fariisinka ku leh degaanka Af-urur ee Buuralayda Galgala.

235-4a7

Alshabaab ayaa ku dishay weerarkaas labo sarkaal oo haystay ciidamada ku sugnaa deegaankaas iyo Askar, iyadoo muddo kooban la wareegtay saldhiggaas.

Inkastoo aysan dawalada Puntland wali ka hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, hadana wararku waxay sheegayaan in khasaaruha ciidanku uu badan yahay.

Ciidamado gurmad ah ayaa goobta dagaalka ku baxay, wararku waxay sheegayaan inay la kulmeen iska caabin xooggan oo jidka loo galay.

Weerarkan ayaa ah mid ay Kooxda Alshabaab waqti badan ay qorshaynaysay waxaana laorankaraa inuu la xiriiray Qaraxyadii waawaynaa ee Bosaso labada jeer oo isxiga lagu qabtay, isagoo noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa oo kooxdan ka fuliso buuraha Galgala.

Dhanaka kale afhayeen u hadlay kooxdaas oo lagu magacaabo Abu Muscab, ayaa baahiyay inay dileen 61 askari oo katirsan ciidamada difaaca.

Dhanka kale waxaa goobta gaaray Taliyaha Guud ee ciidamada Puntland  Gen. Siciid dheere oo hogaaminaya Ciidamo gurmad ah.

About The Author