Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar oo soo gaaray Muqdisho

11 June 2017 (Puntlandes) Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi  ayaa socdaal deg deg ah ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la leh madaxda dowladda Fadaraalka.

5

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar uu xilligan kulan albaabadu u xiran yahay la leeyahay Ra’iisul Wasaaraha dawlada Fadaraalka Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Qatar ayaa sidoo kale la kulmi doono Madaxweyne Farmaajo, si uu ugu mahad celiyo go’aanka ay qaadatay dowladda Federaalka ee ku aadan inay dhex dhexaad ka noqoto xiisada siyaasadeed ee dowladdaha Khaliijka.

Soomaaliya ayaa haatan ku dhex dhacday xaalada siyaasadeed ee Khaliijka, iyadoo ay heysato labo daran mid dooro, iyadoo Qatar ay saaxib dhow la tahay shaqsiyaad ku dhow Madaxweyne Farmaajo, halka Sacuudigana uu ku adkeysanayo hadii aysan xiriirka u jarin in uusan dhaqaalihii u balan qaaday siin doonin.

Dowladda Qatar ayaa la kulmeysa cadaadis weyn, tan iyo markii xulafada uu Sacuudiga hoggaamiyo ay xiriirka u jareen, isla markaana la geliyay go’doomin dhanka ganacsiga, lagana xirtay hawada, badda iyo dhulka.

Qatar ayaa hada isticmaaleysa Hawada Soomaaliya, kaddib markii wadamada Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay hawada ka xirteen

Lama oga saameynta arrintan ku yeelan karto dowladda Federaalka imaatinka Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Qatar, iyadoo Sacuudiga xilligan u muuqdo mid ku cadaadinaya dowladda Soomaaliya inay xiriirka u jarto Qatar.

Puntlandes.com

About The Author