Shirkadda Golis oo Isbitaalka weyn ee Gobolka Mudug ugu deeqday Lacag (Sawirro).
Shirkadda Isgaarsiinta Golis ayaa waxaa gudiga isbitaalka weyn ugu deeqday deeq lacageed oo gaaraysa $15,000 (Shan iyo Tiban kun oo doolar).
Maamulaha shirkadda Gobolis ee Gobolka Mudug Faarax Bootaan Faarax, ayaa lacagtaas ku wareejiyey Gudiga, waxaana uu sheegay in ay qayb ka tahay, qorshayaasha shirkaddu ku taageerayso Bulshadeeda, ayna uga qayb qaadanayso horumirinta Dalka.
Sh.Aadan Maxamed Cigaal oo u hadlay Gudiga isbitaalka, ayaa ka mahad celiyey lacagtaas loogu deeqay isbitaalka weyn, waxaana uu codsi ujeedyey dadka Soomaaliyeed iyo kuwa Reer Puntland, in ay soo garab istaagaan dhamaystirka dhismaha Isbitaalka.
SAWIRRO