Xagee Mudantahay in Puntland joogta maanta?

45

Waxan ku bilaabaya magaca Alle (Bismillahi Raxmani Raxiim),, intan u galin qormadayda aan ku eegayo xagee mudan tahay in ay maanta Puntland joogto waxan rabaa in aan wax yar ka iftiimiyo Puntland xagee ka bilabatay maxase laga filayey markii la assaasay? Hadaba aan isku dayo in aan suaashas jawab u helo; 1998 waxay ahayd markii lagu dhawaqay in dhidibada loo taagay Mamulka Puntland oo manta jirsaday 16sano iyo bilooyin hadaba waxa jiray markas la assaasayey Puntland Hadafyo waaweeyn oo laga filayey in xiligas aan looga maarmayn dhisida maamulkas mooye in aan la gaari karin. Hadafyadas waxa ugu weyna xiligas NABAD-GALYO waxa ka jiray somalia Amaan xumo aad u baahday oo qofkasta oo somalia meel kasta uu joogo samayn xoog leh ku lahayd khaas ahan Puntland waxa jirtay mid lamid ah Aaman daradaas taalay guud ahan somalia.

Hadaba waxa jiray hadalo aad ii taaabtay markan dawaday Muqaalo badan oo laga duubay xiligii la assasay Puntland waxa ka mid ahayd “waxa Puntland loo assaasay in dadka ku nool Puntland gudaheeda ay ku wada nooladan nabad iyo walaalnimo laguna Suggo inta la helayo dowlad dhexe ee somaliya” hadaba hadalkas anigu fakar ahantayda mar wan garowsaday in hadal mid xiligas ku munasab ah inuu aha inkasto marar badan inta anan garowsan hadalkas maskaxdaydu doodo badan ka keentay ilana ahayd markas hadaf aad u gaaban inuu aha asaaskii puntland madama lagu so koobay hadalkan dhahaya in lagu kala badbaado dowlad dhexena lagu sugo oo kaliya, sababta u dhaliilsana waxay ahayd waxa jira xigmad oranaysa “qofkii $1 ka radiya aduunka bixiyana dadadalkisa waxa uu ka helaa aduunka wa radintii uu raadiyey ee ahayd $1, isla qofkii raadiya Milyon Dollar iyadana bixiya dadalkii laga rabay waxa uu aduunka ka hela Milyon Dollar kii uu ka radinayey aduunka”  waxad raadiso aya helaysa ku fakar wax weyn in aad hadaf ka dhigato si aad u hesho.

Hadaba Puntland markan asaasaynay maxan hadafkena uga dhigi weynay in aan niraahno waa dowlad loo assaasay in ay fuliso dhaman wixi loga baahna dowladnimo lana tartanta dowladaha hormaray ee caalamka.!! Kuma khaldnayn in aan sidas aamino anigoo cugsanaya xigmadii aan kor kuso xusay markan u eegayo lakiin dani waa seeto iyadana ku maamulaysa xiligas waxa hadaf lagaaro tan ugu saraysa loo arkayey in bal nidaam iyo kala danbayn lagu sugan karo aminiga la helo; Dadka kuwada nool ee somaliyeed Puntlandna ay ku kala nabad helan wana garowsaday in hadafkas xiligas madashas inu kaso baxana ku habona. Hadaba waxan oran kara hadii jawabtayda an ka bixiyey Puntland xagee ka bilabatay maxase laga filayey markii la assaasay? Waa kooban tahay sidan korba kuso xusay iyadoo koobana waa in dadka wada daga Puntland ay ku kala Nabad galan kuna sugan dowlad dhexe ee somaliyeed.

Si kastaba ha ahaate in Puntland hadafkii lagu asaasay ilaa maanta inay higsato ma mid dow ah baa mase mudantahay in maanta oo kaso wareegatay 16sano iyo wax dheer in wali Puntland ay taagnato  hadafkii malintii la asaasayey Puntland? Ma sax ba wixi wagaas in la higsado kaliya ilaa maanta lagu koobnado aan hadafkii xiligas la higsanayey waxba laga badalin? Hadaba waa waxa igu dhaliyey in aan qormadan gaaban ku eego XAGEE MUDAN TAHAY IN AY PUNTLAND JOOGTO MAANTA.

MAANTA PUNTLAND XAGEE JOOGTAA

Manta Puntland waxay joogta meel aan ka fogayn 1998 hadafyadii loo qoray inay gaadho oo ahayd in dadka ku nool Puntland ay ku kala nabad helan, waa ILLAH Mahadii in maanta ay Puntland ka mid tahay meelaha ugu xasiloon marka laga hadlayo Dhulka somalidu dagto hadaba taasi wa mid aynu higsanaynay markii la asaasayey Puntland wana guul in la gaaray lakiin Ma Tahay in hadafkas kaliya Puntland 16sano kadib ay gaadho kaliya? Jawaabta oo kooban waa Maya ma mudnayn 16sano kadib in hadafkas kaliya uu ahado midka ay Puntland in ay gaadho ahayd. Hadaba aan is waydiino Maxay ahayd in Puntland gaadho 16sano kadib?

Puntland waxay mudnayn in ay gaadho 16sano kadib waxbadan oo maanta qofkasta oo Puntlander ah amaba soomali ahba uu fahmi karo waxana ka mid ah in maanta ilaa malintii la assaasay ay Puntland ku jirto Hab siyasadeed ku salaysan “Qabiil”. Hadaba habsiyasadeedkas ku salaysan qabiilka waa midka keenay in dad badan oo ku wada nool ay ka tirsanayaan Puntland Cadalad daro mana jiro ilaa hada qabiil oranaya anigu wan ku qanacsanahay in habsiyasadeedka puntland uu noqodo mid qabiili ah sababtoo ah waxanu ognahay in qofna uusan ku ahayn mid sadkuu rabay ku helayo. Qofkasta oo Puntland u dhashay wuxu ku qanacsan yahay inuu helo ama ku waayo  mansabka uu rabo ee siyasadeed qaab xalal ah oo aysan gacanta ugu jirin dad kooban oo Bulshada ka mid ah. Waxan ula jeda dad kooban oo bulshada ka mid ah waa Oday dhaqameedada inay soo xulan dhaman dadkii matali laha Bulshada. Waa in dadkas kooban aynu ka xorowno una gudubno in qofkasta oo ku nool Puntland uu xor u noqdo inuu soo doorto qofkii matali laha isaga amaba uu isagu isku soo sharxo umadisa iyadoon u dhexeen xaydaab dhexe oo ah Oday dhaqameed.

Manta hadii aad dib u milicsato dadka ku nool Puntland araadooda waxa kaga dhex muuqanaysa guux aad u wayn kaas oo kenayba in manta dad badan oo Puntland jecel waliba diyaar u ahan laha inay gashan Muruq, Maal iyo Maskaxba ay bananka ka joogan taasna ay sabab u tahay hab dhaqan siyasadeedkena oo ah kan dib dhaca na haysta ee ugu weyn kenay. Hadaba anigu hadan kuso koobo aragtidayda maanta Puntland ma joogto meeshii laga filayey inay gaadho. Waxana sabab uga dhigaya in ay bananka ka joogan Dadkas aadka u tirada badan ee la diyaarka ah Muruqooda, Maalkoda iyo Maskaxdooda kaliyana ay naga hortagan tahay hab siyasadeedkenan aadka u liita oo ilaa manta aan kusii dhaganahay walina aan wax laga badalin madaxdii timadadaba ay balanta ugu horaysa ay ka qadan bulsha weynta puntland ay tahay inay arintas wax ka badalayan kaliyana aynu aragno markay wakhtigoda dhamaday iyadoo arintii meesheedii joogto.

Puntland waxay joogta in dhalinyaradedii aysan xor u ahayn inay ka tashadan masiirkoda nasiibna aysan u helin inay soo galaan aayo ka talinta Puntland kaliya ay ka noqdan markhaati waxa dhacaya, Puntland waxay joogta in dadkii cilmiga laha ay bananka ka joogan iyadoo inta yar ee xilka haysta ay u arkan in ay cadow ku tahay kaso qayb galka masiirka puntland dadkas cilmiga leh inay kursigoda samayn ku yeelan karto. Puntland maanta waxay jooogta in dadkii wada dhistay Puntland ay ku kala maqan yihin qaybo badan oo lixaad leh arinta ugu weyna ay tabanayan ay tahay cadalad daro ka timi dhanka Maamulka talinaya, Puntland maanta waxay joogta heer aysan wax adeeg ah oo muuqda aysan siin umada puntland miyi iyo magalaba ha jogane, Puntland maanta waxay joogta in masaxdii biri ay kasii qulqulayan iyagoo kusii socda inay tahlikeyaan naftooda Tahriib kuna qulqulaya saxaraha libiya iyo bada kadanbaysa waxa ugu weyn ee dhibta haystana ay tahay jihayn la’aan ay jihayn weyday Mamulka Puntland.

XAGEE MUDAN TAHAY PUNTLAND  

Kuma dheeran doono xagee mudan tahay Puntland sababtoo ah qof kasta waa u daremaya waxana ka dhex guuxaysaa naftisa xagay Mudan tahay Puntland in ay maanta joogto hadaba waxan kuso kobaya puntland xagay mudan tahay sidan:

  • Puntland waxay mudan tahay in cadalad iyo sinan la helo iyadoo loo marayo in laga baxo hab dhaqan siyasadeedkan gaamuray ee bulshada inteda fican caqabada ku ah inay masraxa siyasada soo galan kalana dhex galay umada iyo masiirkeda inay ka tashato soona xulato qofkii u qalmay inuu hogaanka u ahayo
  • Puntland waxay mudan tahay in dhalinyarada ay helan xaqoodii wiil dhalinyarada ee maskaxdisu curdinta tahay inu helo jiheen saxan lagana badbadiyo Halaaga iyo dhibta tahriibta ay ku qulqulanan
  • Puntland waxay mudan tahay in dhalankeda u hesho waxbarasho, Cafimad iyo Nolal iftimaysa uu higsado biri
  • Puntland waxay mudan tahay in Hooyada ku silicsan meelkasta ay hesho adeegii cafimaad ee lagu talo galay inay helan hooyo kasta ee ku nool aduunka
  • Puntland waxay mudantahay inay ka fa’idaysato Muruqa, Maalka iyo Maskaxda somaliyeed meel kasta uu joogo iskuguna keento meel si ay u gaadho hormarka ay Puntland Mudantahay.

GABO GABO

Waxan kuso gabo gabaynaya qoralkaygan kooban in Dib la isku eego oo Manta puntland meeshay mudnayd la gaarsiyo waxana kula dardarmaya dhaman dhalinyarada waxgaradka Haweenka Siyasiyiinta Aqoon yahaynada Hoyoyinka dhaman mid kasta doorkisa uu ka qaato aysan noqon mid la isku tuurtuuro doorka qof kasta lagu leeyahay inuu qaato. Waxan leyahay oo kale Maamulka Puntland uu ugu horeeyo Madaxweynaha Puntland in ay Guuxa umada Puntland ka guuxaya ay arkan oo ay waxbadalan waxa ugu horaysa oo an dalbanayna waxa weye xaqeenii hadan nahay umada Puntland in dib lanagu so cesho oo xaqan u leenahay in aan wax doorano anagana si xor ah aan iskugu taagi karno in umadeena noo codayso caqabadaha hortagan in aad ka saartan meesha sida ugu dhakhsaha badana aad u eegtan in wadanka hab dhaqan siyasadeedka xun ee ay ku jirto puntland loga baxo xiligan ma ahan xiligii uu shaqayn laha mana rabno in waxad 5sano ku qaban weydo oo dib u dhigato in aad sanadka ugu danbeya la so baxdo waa in aad maanta sanadka inta ka dhiman ay dhagaha dadka ku farxaya Puntland ay maqlan in talabadii loo bahna qadan sidi looga bixi laha hab dhaqan siyasadeedka ku salaysan Qabiilka

WABILAAHI TOWIQ

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakatuhu

FUAAD AHMED MOHAMUD

Daabacaada: Puntlandes.com

About The Author