Sawiro: Safiirka Cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaliya iyo wafdi uu hogaaminayey oo siweyn loogu soo dhaweeyey Garowe

Garowe(Pes) Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland si maqaamsare ah loogu soo dhaweeyey wafdi balaaran oo uu hogaaminayey Safiirka Cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaliya Mr.Olgen Bekar.

Soo dhaweynta Safiirka waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe kaga qeyb qaatay Madaxweye ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ,Wasiiro ,Xildhibaano ,waxgarad iyo dadweyne kale kuwaasi oo ku labisanaa Calamada Puntland,Soomaliya iyo waliba Calanka Turkiga .

Soo dhaweyn ka dib ayaa safiirka iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey waxa ay booqashooyin ku kala bixiyeen Xarunta Agoonta,Cisbitaalka iyo Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Gambool.

Safiirka dawladda Turkiga Mr.Olgan Bekar ayaa raashin gudoonsiiyey Maamulka xarunta agoonta ee garoowe raashinkaasi oo dawladda turkigu Puntland u soo marisay hay’adda Bisha Cas,sidookalana waxa uu qalab kumbuyuutaro ah ku wareejiyey maamulka Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Gambool.

Intaas ka dib ayaa aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland ee garoowe loo gudbiyey wafdiga waxana halkaasi si kal iyo lab ah ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Safiirka Dawladda Turkiga ee Soomaliya Olgan Bekar uga mahadceliyey imaanshaha uu Puntland yimi,waxana uu sidookale ku amaanay dawladda Turkiga in ay tahay dalka keliya ee wax-qabadka dhabta ah ka fuliya Somalia tan iyo burburkii.

Kullan gaar ah oo Madaxweyne Gaas iyo Safiirka Cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaliya Mr.Olgan Bekar ku qaaten Madaxtooyada ayaa ugu dambeyn si wadajir ah ula hadleen warbaahinta,waxana ay sheegen in kullankii ay wada qaateen uu ku soo idlaaday guul .

‘’Waxaan rajeynaynaa in isbadal uu yimaado oo dalka yimaadan bartaana,waxana rajeyn in wixii aan kala hadalnay ay naga taageeraan,wixii aan ka wada hadalnayna si fiican ayaan isugu afgaranay ‘’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa qado sharaf ku casumay safiirka iyo wafdigii la socday waxana uu qadada ka dib gudoonsiiyey Hadiyado ay Puntland caan ku tahay sida beeyada, Maydiga,Fooxa iyo sidookale sharaxaad ka turjumaysa dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaaliya .

Ugu dambeyntii Galabta ayaa dib wafdigani ugu noqdeen magaalada Muqdisho, waxana ku sii sagootiyey Garoonka diyaaradaha ee Garoowe Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku xigeenkiisa,Wasiiro iyo madaxkale .

791

792

794

795

796

Puntlandes.com

 

About The Author