Ciidamada Gaashaan oo saaka soo afjaray howl galkii Pizza House & khasaaraha oo kordhay
15 June 2017 (Puntlandes) Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa saaka soo afjaray howl galkii ka socday Maqaayadda Pizza House, kaasoo qaatay saacado badan oo tan iyo xalay ka socday gudaha Maqaayadda.
Qarax xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay nawaaxiga labada maqaayad ee Posh Treats iyo Pizza House ayaa geystay khasaare aad u fara badan, iyadoo markii dambena ay gudaha maqaayadda Pizza House galeen dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.
Dableyda hubeysan iyo ciidamada ammaanka ayaa muddo saacado ah ku dagaalamayay gudaha maqaayadda, isla markaana howl galka inuu dheeraado sababay maqaayadda oo aheyd mid mugdi ah, kooxdii gudaha u gashayna ay ku dhuumaaleysanayeen.
Khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay ayaa kordhay iyadoo Tirada dadka ku dhintay maqaayada ay gaareyso illaa 25 ruux oo ay ku jiraan dableydii weerartay.
Ilo dhinaca ammaanka ayaa xaqiijinaya in dableydii weerartay ay qaldeen bartilmaameedka weerarkooda oo markii hore ahaa Maqaayadda Posh Treats oo ah maqaayad lagu caweeyo, hase ahaatee markii uu qaraxa dhacay ayaa waxay gudaha u galeen maqaayad ka soo horjeeday oo lagu magacaabo Pizza House oo ah meel ay dhalinyarada u dalxiis tagaan, isla markaana la isku sawiro goobo aad u qurux badan oo ay leedahay maqaayadda.
Qaraxa is miidaaminta ee lala beegsaday labada maqaayadood ee iska soo horjeeday ayaa isku mid waxaa uu u soo gaaray khasaare aad u xooggan, waxaana dhismayaasha labada maqaayadood ka muuqday bur bur aad u xooggan.
Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana qoraal ka soo baxay oo laga aqriyay idaacada afkooda ku hadasha lagu sheegay inay weerareen Maqaayadda Posh Treats oo aheyd maqaayad lagu caweeyo oo ay ka shaqeeyan shaqaale ajnabi.
Puntlandes.com