IGAD iyo Afhayeenka Baarlamanka oo isku aragti ka noqday khilaafka madaxda DFS

Muqdisho(Pes) Amb Maxamed Cabdi Affey oo ah Wakiilka gaarka ah ee IGADA u qaabilsan Somalia ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Afhayeenka Baarlamaanka DFS prof Maxamed Cismaan Jawaari. Waxay ka  wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeyay madaxweynaha iyo Raysulwasaaraha ee ragaadiyey shaqadii dowlada.

Amb Afey oo qoraal kooban soo dhigay boggiisa Twitterka ayaa sheegay in wadahadal muhiim ah uu la yeeshay Afhayeenka Baarlamaanka DFS ayna isku aragti ka yihiin qaabkii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya madaxda dowlada. Amb Affey wuxuu sheegay in IGAD ku baaqayso in la midoobo oo la joojiyo khilaafka.

Ayaamahanba waxaa banaanka taalay in uu Gud. Jawaari la aragti yahay Beesha caalamka oo doonaysa in wiiqdo awooda Kooxda DamJadiid oo isku aragtay in ay kaligood dalka leeyihiin.

Puntlandes.com

About The Author