Dhagayso: Faysal Cali Mas Afhayeenka Jaaliyadda SSC ee Imaaraadka oo qaadacay Heshiiska Galayr ugu biiray Somaliland
18 June 2017 (Puntlandes) Faysal Cali Mas afhayeenka SSC ee imaaraadka ayaa si wayn uga soo horjeestay heshiiska Cali Khaliif Galayr maamulkiisii Khaatumo uu ugu biiray Somaliland.
Faysal ayaa sheegay inay warqadda ay kala saxiixdeen Galayr iyo Soaliland ku jirin arin maslaxad u ah dadka Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, isagoo ku daray inuusan heshiiskaasi khusayn degaanadaas.
Faysal ayaa sheegay inay heshiiskaas qodob ka mid ah uu yahay in la isku kaayo diro anaga iyo walaalahayo Majeerteen, iyagoo u dhigay ”In meel looga soo wada jeesto cadawgeena”, iyagoo Beelaha Isaaq ay walaalo yihiin ayey doonayaan inay cadow nooga dhigaan walaalahayo ayuu sheegay Afhayeenku.
Heshiiskii uu Galayr shalay oo ay taariikhdu tahay 17ka ugu biiray Somaliland ayaa waxaa si wayn uga soo horjeestay shacabka degaanada SSC iyo Isimadoda.
Dhagayso Faysal Cali Mas afhayeenka SSC ee imaaraadka
Puntlandes.com