Madaxweynaha Puntland oo lacag badan oo Mashaariic Horumarineed lagu fulinayo wareejinaya berri

18 June 2017 (Puntlandes) Warar laga helayo Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegaya in maalinta beri ah Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas xaflad ka qabsoomi doonta magaalada Garowe uu ku wareejinayo lacag $2.5 Million oo lagu dhameystirayo dhismaha Garoonka diyaaradaha ee Garoowe iyo $ 1 Million oo ay dalbadeen guddiga dhismaha wadada isku xirta Ceel-Daahir iyo Ceergaabo.

4-2

Lacagahan ayaa dalbaday Gudoyada gacanta ku haya fulinta mashaariicdan, Garoonka ayaa dhameystirkiisa u baahan lacagtaan halka wadada la sheegay in lacagtaasi ay dalbadeen guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir si ay oo daamur ugu soo gataan.

Xafladda lacagtan lagu wareejinayo ayaa lagu wadaa inay beri ka qabsoonto magaalada Garowe.

Dhanka kale Dekadda Boosaaso ayaa wararku sheegayaan in ramadaan kadib la bilaabayo, iyadoo dadkii ka shaqeyn lahaa qaybi hada ay soo gaareen Puntland.

Puntlandes.com

About The Author