Dhagayso: Dowladda Puntland oo saddex milyan & bar ugu deeqday dhamaystirka Garoonka Diyaarada Garowe & wadada Ceel-daahir & Ceergaabo
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku wareejiyay guddiga dhismaha waddada Ceel-daahir iyo Ceergaabo lacag dhan 1-miylan oo doolar 1,000,000 oo loogu talo galay dhammaystirka waddadaas oo wajiga koowaad uu hadda marayo heer Gebagebo ah waana mashruuc markii hore ku bilowday kuna socday isku tashi.
Munaasabada lacagtan lagu wareejiyay ayaa ka dhacday hoolka jaamacada bariga africa ee magaalada Garoowe waxa uuna ahaa munaasabad loogu magac daray maalgalinta dawladda Puntland ee dhamaystirka garoonka diyaarada Garowe iyo wadada Ceel-daahir iyo Ceergaabo.
Madaxwaynaha ayaa isku gayn maanta wareejiyay lacag dhan saddex milyan iyo bar oo dollerka maraykanka lacagtaas oo lagu dhamaystirayo mashaariic muhiim u ah shacabka puntland oo qabyo ahayd.
Madaxweynaha dowladda Puntland oo munaasabada ka hadlay ayaa ku baaqay in gacmaha la is qabsado islamarkaana aan gacmo shisheeye waxba laga sugin. Madaxweynaha ayaa sheegay dowladda Kuwait inaysan ugasoo bixin sidii laga filayay taageerada ay u balanqaaday dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe, sidaas daraadeed wuxuu cadeeyay inay dowladdu isku tashatay oo ay jeebkeeda ka bixisay maalgelinta garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe.
Dhagayso madaxweyne Dr Gaas