Guddoomiyaha degmada Wadajir oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay xarunta degmada
20 June 2017 (Puntlandes) Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi Xasan iyo qaar ka mid ah Ilaaladiisa ayaa goor dhow ku dhaawacmay qarax ka dhacay nawaaxiga xarunta degmada Wadajir, halkaasoo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ka dhacay goob aad u mashquul badan oo ah Suuqa weyn ee degmada.
Goob joogayaal ayaa sheegaya gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay gudaha xarunta degmada.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu geystay qofkii waday gaariga oo u suura gashay in gaarigii uu waday uu gudaha la galo, dabadeedna is qarxiyay., waxaana ku geeriyooday ugu yaraan 10 qof halka uu dhaawaucuna intaas ka badan yahay.
Xarunta degmada ayaa ku dhow Suuqa weyn, waxaana qaraxan uu ku soo aaday xilli suuqa yahay mashquul, dad badan ay ka iibsanayaan dharkii ciida.
Guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi Xasan ayaa ka mid ahaa Guddoomiyeyaashii bishii la soo dhaafay loo magacaabay degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana uu dhowaan xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee degmadaas Axmed Cabdulle Afrax.
Puntlandes.com