Daawo Videio-Sawirro: Dawladda Puntland oo kusoo bandhigtay Bosaso 8 nin oo horay uga tirsanaa kooxda Daacish oo isku soo dhiibay Dawladda
20 June 2017 (Puntlandes) Dawladda Puntland ayaa magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari saxaafadda ugu soo bandhigtay Sideed nin oo horay uga tirsanaa Alshabaab, ugana sii biiray kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraha Calbari, iyagoo isku soo dhiibay Dawladda Puntland.
Sideedaan nin ayaa badankood yihiin saraakiil sare oo kooxahaasi katirsanaa, waxaana ay sheegeen in fikradii ay horay u haysteen ay aheyd mid khaldan, iyagoona shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay cafiyaan, maadama ay qirteen in dagaalo badan ka soo qeyb qaateen.
Daawo sawirrada