Akhriso Warmurtiyeed kasoo baxay shirkii u u socda Puntland & Galmudug

20 June 2017 (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa caawo lagu soo gabagabeeyay shir u socday guddiyo ka kala socday dowladda Putntland iyo maamulka Galmudug.
23

Shirkaas oo ku saabsanaa sidii nabad loogu soo dabaali laha Gobolka Mudug ayaa waxaa laga soo saaray qodobo wadada u xaaraya arintaas, waxayna yihiin qodobadu:

1-In labada maamul ay iska kaashadaan, kana wada shaqeeyaan amniga gobalka, si taas loo gaarana waxaa laysku raacay

  1. In la sameeyo ciidan isku dhaf ah oo u xilsaaran in ay iska kaashadaan arrimaha la xariira sugidda Amniga Gaalkacyo ee labada maamul Puntland & Galmudug, kana howlgalaan dhul daaqsimedka labada dhinac
  2. Inay iska kaashadaan la dagaalanka Argagixisada.

2- In si nabad ah loo wada daaqo Naqa,ayadoo loo fududeynayo dadka reer Galmudug ee abaarsan in ay soo galaan dhulka Naqu ka da’ay ee Puntland, si taas loo hirgaliyana waxaa laysla gartay.

  1. In dadka labada dhin ay si nabad & daganaan leh, kuwada daaqaan Naqan eeba baxshay deegaanada lays kugu imaanayo, ayna Ilaalinta Amniga dhul-daaqsimeedka u xilsaaran yihiin ciidanka isku dhafka ah.
  2. In dadka Galmudug ee u naq raacaya dhanka Puntland aysan waxba hub ah lasoo gali Karin gudaha Puntland, ayadoo looga dan leeyahay in laga dheeraado falal amaan darro.

3- In Puntland ay si waafaqsan Dastuurkeeda masuul uga tahay ilaalinta naf iyo maalba dadka Soomaaliyeed ee dagen dhulka Puntland ka arimiso oo ay ku jiraan dadka reer Galmudug ee usoo hayaamay daaqsinta.

4- In la sameeyo wacyigelin ballaaran oo dhacda si gooni gooni ah iyo si wadajir ahba si loo soo celiyo kalsoonidii dadka, loona hubiyo in naqa lagu wada daaqo si nabad galyo iyo walaaltinimo ah.

5-In talaabo shaciga waafaqsan laga qaado cidii gaysata fal dambiyeed lidi ku ah amniga, xalinoolinada iyo nabad ku wada noolaanshaha dadka Gobolka mudug miyo iyo magaalaba.

6- In labada maamul ay kada shaqeeyaan xalinta wixii raadad ka haray horay uga dhacay Gaalkacyo sida wadooyinka xiran.

7- In labada maamul ay kada shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa dib u heshiisiin dhamaystiran mustaqbal insha allah.

Wabilaahi Towfiiq

Hoos ka akhriso qodobadii kasoo baxa

22

22a

Puntlandes.com

About The Author