Daawo Video: Xil. Maxamed C. Yusuf “M/weyne Axmed Madoobe Hub ayuu siiya Ashabaab”
21 June 2017 (Puntlandes) Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf oo ah Xildhibaan ka mid ah Baarlamaaanka Jubbaland laakiin uu madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe sifo sharci daro ah ku sheegay inuu ka saaray Barlamaanka ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe in uu taageero kooxda Alshabaab.
Xildhibaanka oo isla markaasna ah Hogaamiyaha Jinaaxa Mucaaradka Baarlamaanka Jubaland ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu ka taageero Alshabaab Hubka noocyadiisa kala duwan ayna heshiis ku yihiin Alshabaab taas.
Xildhibaan Maxamed oo ka hadlaya Musuqmaasuqa maamulka ayaa sheegay in Jubaland ay heshay 6 gaari oo waa wayn oo ah kuwa gaashaaman iyo 6 baabuurta raaxada oo aan xabadu karin looguna talo galay in la siiyo madaxda u saraysa Jubaland sida labada madaxweyne kuxigeen iyo Gudoonka Baarlamaanka Jubaland, dhamaan baarbuurtaasna uu qaatay Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa 28kii may 2017 ku amray Xildhibaanada Jubaland inay sifo sharci daro ah ugu dhawaaqaan inay ka saareen Baarlamaanka labada Xildhibaan ee kala ah Xildhibaan Maxamed Cali Yusuf iyo Xildhibaan Cabdikadir Ibrahim Cali, taasoo aan sharci ahayn in Xildhibaan Baarlamaan looga saaro waxaad mucaarad ku noqotay madaxweynaha.
Xildhibaanka ayaa cod dheer ku sheegay inay waxa kaliya oo ay doonayeen ay ahayd inay saxaan maamulka Jubaland ee uu Axmed Madoobe hogaamiyo laakiin taas uu uga jawaabay inuu isku dayo inuu Baarlaamnka naga saaro.
Axmed Madoobe ayaa ku fashilmay mas’uulidii ay shacabka reer Jubaland u dhiibteen isagoo dawladnimadii ka yeelay inuu u maamulo sidii Jamhadlayn, Beelaha Jubaland ayaa iminka wada dhaqdhaqaaq ay uga horjeedaan maamulka Fadhiidhka ah ee Axmed Madoobe.
Dhanka kale Xildhibaanka ayaa sheegay inuu la kulmay Beesha Caalamka oo su’aalo ka waydiisay maamulka Jubaland.
Daawo Shirkii jaraa’id ee manta uu Muqdisho ku qabtay Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf.
Puntlandes.com