Gudoomiye Jawaari oo bada ku shubay Mooshinkii ka dhanka ahaa Raysal wasaaraha

Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa dib usoo celiyey diidayna in uu qabto Mooshinkii la rabay in lagu rido Raisul Wasaare Cabdiwali. Jawaari ayaa si aad ah uga caroodey in Mooshin laga keeney Xukuumada Raysal wasaare Cabdiwali loo dhiibo Gudoomiye Xigeenka Baarlamaanka iyadoo Gudoomiyihii joogo oo aan lasoo wargalin.

Gudoomiye Jawaari ayaa dib u celiyey Mooshinkii isagoo sheegey in si nidaam ah aan loosoo marin soo gudbinta Mooshinka.

Xildhibaanada Soo abaabuley Mooshinka ayaa waxay u gudbiyeen Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka DFS Mr.Jaylaani.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo isagu hada ah ku simaha Madaxweynaha ayaa Dastuur ahaan qaban karin shaqadiisii Baarlamaanka laakiin shaqadadiisa hadii uu ku xigeenkiisu qabanayo waxaa waajib ah inuu soo ogaysiiyo Gudoomiyaha, waana sababta uu mudane Jawaari dib ugu celiyey mooshinka maadaama aan lagusoo wargalin.

Puntlandes ayaa xogta ku heshay Gudoonka Baarlaamka uu ka jiro Khilaaf. Iyadoo Gudoomiye Jawaari iyo Ku xigeenka labaad ay isku meel yihiin halaka uu ku xigeenka koowaad uu Culusoow la safan yahay.

 

Puntlandes.com

About The Author