Kulankii Baarlamaanka ee maanta oo u baaqday Gudoonka Baarlamaanka oo xal ugu raadinaya mooshinkii

Gudoonka Baarlamaanka DFS ayaa doonaya in xal laga gaaro kala qeybsanaanta u dhaxeysa Baarlamaanka, iyagoo saacadihii u dambeeyay kulamo la lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, si meesha looga saaro mooshinka ay wadeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka.

Kulankii Baarlamaanka ee uu maanta yeelan lahaa ayaa u baaqday dadaalo uu doonayo Gudoonka Baarlamaanka in xal laga gaaro is qab qabsiga u dhaxeeya Xildhibaanada iyo mooshinka la keenay, si marka uu Baarlamaanka kulmo aanu fowdo iyo buuq uga dhex bilaaban.

Gudoonku si cad uma cadeyn in mooshin loo soo gudbiyay, hadana waxay wadaan dadaalo uu arrintan ku baajinayo, si meesha looga saaro kala qeybsanaanta Xildhibaanada Baarlamaanka.

Sida ay warar lagu kalsoon yahay ku shushey Puntlandes.com Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Labadiisa kuxigeen ayaa xalay la kulmay Xildhibaanada keenay mooshinka, iyagoo uu Gudoonka isku dayayo inuu meesha ka saaro kala aragti duwanaanshaha soo kala dhex galay Xildhibaanada.

Waxay kaloo la kulmidoonaan Gudoonka maanta dhinaca kale ee ka soo horjeeda mooshinka, iyadoo inta kulamadan ay socdaan laga yaabo inay dib u dhacaan kulamadii caadiga ahaa ee Baarlamaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gudoonka isku dayayo inuu baajiyo mooshinka laga keenay Ra’iisul Wasaaraha, hase ahaatee waxaa diidan Xildhibaanadii soo qoray, kuwaasoo uu shaki ka taagan yahay tiradooda saxda ah, kadib markii Xildhibaano saxiixooda ku arkay warqada ay beeniyeen inay ku lug leeyihiin mooshinka.

Wararka laga helayo Gudoonka ayaa waxay sheegayaan in maalinta beri oo Axad ah uu go’aan gaari doono Gudoonka Baarlamaanka, marka ay soo dhamaadaan kulamada uu la leeyahay labada dhinac ee Xildhibaanada iyo sharciyaqaanada, waxaana dooda ugu weyn ay tahay sharci ahaanshaha Mooshinka oo la rabo in Gudoonka ay si wada jir ah u aqbalaan, uguna dhawaaqaan in mooshin la keenay, si loo horkeeno Baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee kulamo gaar gaar ah ayaa ka soconayay tan iyo xalay Aqalada saddexda Mas’uul ee ugu sareeya, iyadoo khliaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu saameyn xoogan ku yeeshay Hey’adaha dowladda ayna qarka u saaran yihiin in ay labo u kala qaybsamaan.

 Puntlandes.com

About The Author