Dhagayso:Prof Galayr ”Puntland lama Hadlayno Somalilandse waan la hadlaynaa”

Madaxweynaha Fadhigiisu yahay Togga Ergo’an Prof. Cali Khaliif Galeydh ayaa sheegay, mar uu ka hadlayey xaflad soo dhawayn ah oo ay taageerayaashiisu u sameeyeen xalay, in maamulkiisu uu diyaar u yahay wadahadalo uu la galo Somaliland, halka uu diiday in uu wadahadal uu la lagalo Puntland.

Prof. Galeydh  ayaa yiri mar uu ka hadlayey Somaliland  “Haddii maamulka Somaliland uu diyaar u yahay wadahadal,anagu diyaar ayaan u nahay mana qarsanayno waana rabnaa wadahal aan Somliland la galno, hadde ma ahan wadahadal meelaha lagula dhuumanayo,”

Sidoo kale, Cali Khaliif wuxuu ka hadlay wadahadalo uu maamulkiisu la galo Puntland, wuxuuna yiri “Qolada leh dastuurka waxaa iigu qoran Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, aniga ayaa maamulka iska leh, waxayna intaas ku dareen in hadii dadka afti laga qaado ay 90% ay maamulkooda taageersan yihiin. Marka aniga iima muuqdo wadahadal anaga iyo Puntland na dhexmari kara.”

Mar uu ka hadlayey Prof Galayr khilaafka madaxda DFS ayuu yiri ”Hada ma garanayo sabab aan ugu hiiliyo Cabdiwali …..”

Prof Galayr ayaa rajo xumo ka muujiyay dariiqa ay ku socoto siyaasadda Somalia, isagoo xusay in Soomaaliya lagu hayo faragelin shisheeye oo xooggan.

Way iska cadayd oo hore ayaa Puntlandes qoraalo uga qortay in Yoolka Prof Galayr uu yahay Hargaysa laakiin waxaa iswaydiin mudan Somaliland diyaar ma u tahay muxuuse j´ku soo kordhin
Halkan ka akhros warar dhheraad ah oo xiiso leh kuna maamulka Galayr
http://www.puntlandes.com/?p=3992
http://www.puntlandes.com/?p=4003

Dhagaso Galayr

 

 Puntlandes.com

About The Author