GORFAYN BUUG: Dharaaro Xusuustood | QORE: Max’ed Siciid Gees
GORFAYN BUUG
BUUG: Dharaaro Xusuustood | QORE: Max’ed Siciid Gees
Bogag: 269
Tifaftire: Cabdicasiis Guudcadde
Dharaaxo Xusuustood waxaa wax ka yiri Max’ed Baashe X. Xasan. Waxa uu ka yiri, ”Waxa uu isugu kaa xidhayaa tagtadii ummadda ee dorraato iyo joogtadeeda maanta, waana oddoros hilaadinaya timaaddadeeda berrito”.
Waxaa buugga tifaftire ka ah, wax ”Gogolxaadh” lagu sheegay na u sameeyey Cabdicasiis Guudcadde.
Cabdicasiis na waxa uu ka yiri, ”Nuxurka guud ee buuggani waa in aynu wadaagno sooryada sooyaal ee mudane Gees innagu martiqaaday, oo aynu quudano, si aynu ugu dabbaqno waayaheenna hadda, uguna saadinno aayaheenna hadhow”.
Hadda ba, marka laga qodax qaato labadan aqoonyahan iyo inta la filka ah ee buugga la dhacsan, waxaan saadaalinayaa in manaahijta jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee Somaliland lagu daridoono buugga Gees. Inta se aan lagu darin aan ka digo quraafaadka ka buuxa.
Soomaaliyada kale (Marka laga reebo Somaliland) buuggu waxa uu uga dhigan yahay warka ku qoran waraaqaha joornaallada Khaliijka ka soo baxa. Walaw laga heli karo hoteel kaste oo caan ah, hadda na cidi na ma danayso.
In yar ayaan ka soo qaadayaa dhooqooyinka uu Soomaalida kale Gees ku dhammooqay; waxaan se xoogga saaridoonaa Somaliland oo aad qoraaga looga jecelyahay waxa uu ka qoray.
Qoraagu waxa uu dhaliilsan yahay Midnimadii Soomaaliya ee 1960. Ha dhaliilsanaado ee waxa uu ina barayaa in dadweynehii waagaas Somaliland ku noolaa ay ka soo horjeedeen midnimada. Waxa uu tusaale ahaan inoogu keenayaa abwaan waraabe-taag ah oo uu isagu samaystay ee aan looga horrayn. Cid uu ka soo xigtay ma jirto haba yaraato ee.
Abwaanka magaciisii, mihnaddiisii, ehelkiisii iyo aqoon kale oo intaas dhaafsan mid na inooma uu sheegin. Waxa kali ah oo inoo soo gudbiyay waa hees-ku-sheeg aad arkayso in haatan gacanta lagu sameeyay oo ay jajaban tahay.
Waa tan: ”Waa xorriyaddii e Xamar ha gaynin, Hadhow baad xanaaqi e Xamar ha gaynin, Waa lagu xasuuqi e Xamar ha geynin”.
Waxaa tiriyay buu ku leeyahay Abwaan Calafso. Magacan xitaa ‘Calafso’ ma ahan magac caadi ah ee waa halhays uu lahaa. Waxa uu oran jiray ‘Waa ciiddaadii e calafso’. Sidaas baa Calafso loogu bixiyay.
Ma taqaanaa waxa uu ninkaasi ka shaqayn jiray? Erayadii qoraaga oo aan la idiin dhaxayn aan kuu dhiibo. ‘… Calafso oo ahaa nin waddooyinka Hargaysa meelaha googo’an buux-buuxiya …’.
Markan, waxaan is weydiinaynaa bal in Hargaysa waagaas waddooyin dhisan lahayd. Yaa se mari jiray 1950y waddooyinka dhisanan ee Hargaysa? Waddo la buuxiyo se ma jiri kartay waagaas?
Isla qoraagu ha inoo sawiro waayadaas Hargaysa sida ay ahayd isaga oo ilowsan waxii uu inoo soo sheegay!
Bog 27, ”Magaalada Hargaysa aqal Soomaali ayay ku noolayd oo aanay musqulo lahayn ee bankaa la tagi jiray Rag iyo Dumar. Waagaas oo ahayd bilowgii kontomaadkii”. Ma yaabtay?
Markii buuggan jaamacadaha Hargaysa lagu dhigo 2030, ardayda Somaliland waxay baran doonaan in ay Hargaysa tahay magaaladii taariikhda ugu horraysay ee inta aan suuliyaal loo samayn waddoonyin loo dhisay!
Waxaa iman karta weydiin sidan ah: armuu qoraagu yaraa oo aanay xasuustiisu fiicnayn? Isla weydiintan na qoraagu ha inooga jawaabo. ‘…waxa aan xasuustaa … Ey madow oo daba go’an oo la oran jiray Warqab oo aan la ciyaari jiray …’. Waa bog 27. Ma arkaysaa? Qoraagu waxa uu xasuustaa in eygaasi 1) madoobaa, 2) dabo go’naa, 3) iyo magaciisii; hal qof se ka ma xasuusto dadweynehii reer Somaliland ee midnimada ka soo horjeeday marka laga reebo abwaan been ah oo aanu xitaa magaciisa garanayn!
Qoraagu aad ayuu ugu xeeldheeraaday ugu fiican yahay isu-ekaysiinta. Waxa aan se la yaabay sida uu ugu dhiirraday in uu madaxweyne ummadeed u ekaysiiyo xayawaanka labaad ee dunida ugu liita. Waa ”dameer” waxaa na ka liita oo kali ah ”ey” marka dhaqanka Soomaaliyeed la eego.
Halkan waxa uu madaxda Somaliland ku tilmaamay ”dameero”. Maanta haddii Muuse Biixi la doorto waa ”dameer” ee la fiirin maayo bal in uu dameerihii hore ka duwanaado iyo in kale. Waa kuwan erayadiisii, ”Ximaar yaa roox, ximaar yaa jii | Dameer baa taga, dameer baa yimaadda”. Bog 129.
Intaas kali ah ma ahan. Bal kuwan na ila eeg: ”Wasiirradii Wasaaradda maamulkeeda gacanta ku qabtay waxa ay ku caan noqdeen iibinta guryaha dawladda iyo dhulka banaan ee shacabka’’. Bog 62.
Iyo markan:”Wasaaradaha iyo hay’adaha Dawladda Somaliland waxa ay u badan yihiin madax-ka-nool haddii aad hoos ugu dhaadhacdo waa cidla”. Bog 117.
Iyo markan oo uu ina barayo Hargaysada maanta ee ah magaalamadaxda Somaliland: ”Hargaysa waxaa dad badani dharka maydhaan oo carruurtu qubaysataa, biyana helaan marka dooxu soo rogmado oo aad arkaysaa dharka oo dooxa hareerihiisa ku wadhan”. Bog 74.
Odaygu, waa khabiir sare oo dhanka Arrimaha Dibadda iyo Ictiraaf raadinta ah sabab waxa uu ka soo shaqeeyay Wasaaradda Qorshaynta iyo tan Arrimaha Dibadda labada ba. Sidaas darteed, 3 arrimood oo aynaan horay u arag ayuu u soo jeediyay in Ictiraafka Somaliland lagu raadiyo. Waa: 1- Qaad, 2- Laaluush, iyo 3- Naag la doorto.
- JAAD: Marka aad dal u safartaan oo aqoonsi weydiisanaysaan, hameenkii oo dhan waa la qayilayaa, waftiga oo dhan. Aroortii markii gaaladii soo toosto ayaa la oranayaa dee ictiraafkii noo dhiiba; haddii aan sidaas la yeelin waxay kuu soo jeedinayaan in aad Soomaaliya la midowdaan. Waa kuwan erayadiisii oo qayaxan, ” … xagga maskaxda ayaa lagaa qabsanayaa waa ay kugu adkaanaysaa in aad ku diiddid talada haddii aan loo sii QAYILIN …”.
- LAALUUSH: Halkan, bog 192-3 waxa uu qoraagu inooga sheekaynayaa laaluush uu isagu hadda ka hor siiyay qof Keenyaan ah oo garoonka diyaaradaha ka shaqayn jiray; iyo in Cigaal mar golahiisa wasiirada uga sheekeeyey in uu Rayla Odhiingga warqad ugu dhiibay Arab Mooy oo markaas madaxweyne ka ahaa Keenya. Hadda na, khidmaddii (Laaluush) ayaa laga doonayaa.
- NAAG, ”… Madaxweyne qof Dumar ah aan maanta doorano, dhinacaas ayaaba ictiraafkii ka dhaw yahay e”. Bog 201.
Quraafaadka aan la liqi karin ee buugga si weyn u hareeyay waxaa ka mid ah sheekadan been abuurka ah: ”Soomaalidu waagii hore ee ay reer guuraaga ahayd ee aanay magaalooyinku jirin odayaasha iyo habraha duqooba ee socon kari waaya waxaa laga tuuri jiray jarar dhaadheer …’’. Bog 32.
Iyo sheekadan: ”Waagii hore raggu waxa ay u soo cayaar gudi jireen reeraha gabdhaha guur-doonka ahi u joogaan, weligeedba cawayska habeenkii ee bulshaddu ama ‘nigh club-ku’ waa jiri jiray. Qoladan gadh-dheerta ah ee Wahaabiyada soo xambaaratay ayaa diiddan e”. Bog 99.
Buugga si weyn ayay uga dhex muuqataa in aan 1 qof, 2 qof iyo 3 qof toona qorin ee jaafjaaf is-maan-dhaafsan uu yahay.
Bogga 120 goortii aan marayay ayaa intani igu soo baxday, ”Waxaa qoraha qoraalkani qabaa in afka Soomaaliga laga joojiyo in wax lagu dhigto, isaga luqo ahaan uun loo barto, haseyeeshee yaan wax lagu dhigan waxa ay hoos u dhigaysaa aqoonta ardayda”.
Halkan qofkan hadlayaayi yuu yahay? Qoraha buugga ma ahan oo isagii ayuu qoraal inooga soo gudbinayaa. Tafaftireha in uu yahay na inoo ma sheegin, sidaas oo kale ma adeegsan astaamaha muujiya halka qoraalkan oo kale oo dheeri ah ka yimaado!
Af Soomaaliga uu soo hadalqaaday aqoon buuran qoraagu u ma leh. Aan tusaale keeno. Waxa uu damcay in uu abuurto oo isagu tunto eray cusub. In kaste oo aanu marna inoo sheegen, erayga asalkiisu waa Carabi, waa na ”Khawaaje”. Qoraagu in ka badan 30 jeer ayuu buuggiisa ku adeegsaday 1 mar na ku ma uu guulaysan in uu micnaheesa oo fadhiya inoo sheego. Mar waxa uu ku micneeyay ”ajnabi caddaan ah”; mar kale na ”dadka reer galbeedka ah”. Nasiibdarro, labadan micne mid na ma uu leh. ”Khawaaje” waa ”gaal” waa na af Carabi.
Ugu dambayntii, Somaliland oo uu qoraagu maankiisa iyo muruqiisii intii ugu muhiimsanayd galiyay sidee ayuu u arkayaa mustaqbalkeeda? Ma laga yaabaa in ay ka soo rayso?
Maya, waxa uu saalinayaa sidan: ”Rajo ayaa laga qabay in ay shantii dhaanto [Soomaaliweyn], waxa ay se noqotay rejadii Dhays Bakayle”. Bog 227.
Ma garanaysaa ”Dhays Bakayle”? Dhays bakayle waa ”baabah”.
Hadda ba, maxaynu buuggan ku qiimaynaa?
WQ: Qoraa Cabdirisaaq Maxame Axmed (Cabdirisaaq Baraagoo)
Daabacaaddii Puntlandes.com