Hassan Khayre oo berri Ethiopia safarkiisa 2aad muddo bil ka yar ku aadaya
1 July 2017 (Puntlandes) Raysal Wasaaraha DFS Xasan Khayre ayaa berri dalka Ethiopia safarkiisa 2aad muddo bil ka yar ku aadaya.
Booqashadiisii u horaysay ee uu ku tago Raysal Wasaaraha DFS Xasan Khayre dalka Ethiopia ayaa ahayd mid uu uga qayb galay shirka IGAD, waxaana uu halkaas kasoo xiray xiriir adag oo lasoo yeeshay Raysal Wasaare Hailemariam Desalegn.
Ujeedada safarka Khayre ayaa lagu macneeyey inuu ka qayb galayo shirka sanad laha ah ee madaxweynayaasha Afrika (Midowga Afrika), kaasoo qabsoomaya 3-4 Luly 2017.
RW Khayre ayaa laba shir oo waawayn u matalaya Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya iyadoo uu madaxweynihii JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku sugan yahay guriga Soomaaliya looga arimiyo ee Villo Somalia.
Sida uu qabo dastuurku Soomaaliya waxaa shirarka Caalamiga ah u mataya dalka Soomaaliya madaxweynaha, laakiin hadda waxay u muuqataa si kale.
Puntlandes.com