Dhagayso: Yaasiin Cabdsamad oo ka hor yimid, sharuud adagna ku xiray Nabad kusoo dabaalida Gobolka Mudug kuna biiray Aaranjaan

2 July 2017 (Puntlandes) Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ah Nabadoonada beel ka mida Beelaha gobolka Mudug ayaa kasoo horjeestay nabad kusoo dabaalida Gobolka Mudug isagoo ku xiray Sharuud ay reer Muduga Puntland horay u diideen.
Yaasiin ayaa sheegay in loo baahan yahay in xaalada gobolka Mudug ay u dhamaadan guud ahaan reer Puntland, isagoo ula jeeday Kooxda Aaranjaan oo aan doonayn in Gobolka Mudug ee helo deganaansho.

Yaasiin ayaa yiri ”waxaan oran lahaa xaaladda Gobolka Mudug reer Puntland ha u dhamaadeen, taladeeda, meesha wax la dhigayo iyo  meesha lagaga hadlayo waxgaradkooda iyo qaybahooda Bulshada”

46

Warbaahinta Puntlandes ayaa  ilo ka agdhow Yaasiin ka ogaatay inuu Kooxda aaaran jaan ee uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee Puntland Dr faroole uu Yaasiin cabdisamad kula galay heshiis in la carqaladeeyo in nabadi ka aslaaxda Gobolka Mudug, waana taas sababta uu sharuudii ay reer Mudug iyo dawladda Puntland ka diideen Galmudug ee ahayd in loo wado hadlo labo maamul ee aan loo wado wada hadlin dadka Gobolka udug oo kala yaqaan deenadooda.

Yaasiin cabdisamad ayaa waqtiyadii dambe u muuqday mid ku milmay siyaasiin kasoo horjeeda xukuumadda Puntland isagoo waraysiyo uu siiyey warbaahinta ku sheegay in Heshiiskii Gaalkacyo ee hordhaca ahaa uusan ka shaqaynayn deegaanka Caduunka ee ay Beeshiisu degto.

Dhagayso Yaasiin oo u xuubsiibtay afhayeenka kooxda AaranJaan


Puntlandes.com

About The Author