Dhagayso: Taliye Aadan Nuur Qaal oo ka warbixiyey Amniga Gaalkayo & dilalkii u dambeeyey ee ka dhaca
2 July 2017 (Puntlandes) Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug Aadan Nuur Qaal, ayaa ka hadlay dilal ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo lagu dilay saddex qof oo kala ahaa; Ganacsade, Askari iyo Sarkaal.
Talye Aadan Nuur ayaa sheegay in hawlgalo ay sameeyeen Ciidanka boolisku ay kusoo qabteen qaar ka mida dadkii dilalkaasi gaystay, iyagoo kuwo kalena ku raad jooga.
Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug Aadan Nuur Qaal, ayaa sheegay in mid ka mid ah dadkii ka dambeeyey falalkaas ay galeen dhanka Xaafadda baraxleey ee ay ka taliso Galmudug ayna la socodsiiyeen arintaas.
Dhanka kale taliyaha ayaa Shacabka Gobolka Mudug iyo magaalada Gaalkacyo ka codsaday waa inay la dagaalamaan Shar wadayaasha, ayna garab istaagaan Ciidanka Amaanka.
Dhagayso taliya Qaal
Puntlandes.com