Wasiir Beyle oo ka hadlay Miisaaniyada DFS, Xawilaadda & Shaqaalaha DFS ee beenta ku qaata mushahaar (Muuqaal)
03 July 2017 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda DFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa saxaafada uga warbixiyey barnaamijkii bilaha ahaa ee Wasaaradda Maaliyadda, kaas oo looga hadlo waxyaalaha u qabsoomay wasaaradda iyo caqabadaha u baahan in la xaliyo.
Wasiirka ayaa sheegay in balanqaadkii Madaxweyne JFS mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ahaa in siyaasada dowladda saldhig u tahay daah-furnaan, isla xisaabtan iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, sidaas daraadeedna ay waajib ku tahay Wasaaradda Maaliyadda in bil kasta usoo bandhigto Shacabka Soomaaliyeed warbixino ku salaysan dakhliga iyo kharashaadka dowladda.
Ugu horeynta Wasiirka ayaa ka hadlay heerarka kala duwan ee ay soo martay Misaaniyadda Sanadka 2017, taas oo aad uga duwan habraacii loo qoondeeyey in ay ku socoto miisaaniyadda dowladda.
Wasiirka ayaa sheegay in dakhliga bilaha ah ee soo gala DFS uu yahay 11 milyan, halka uu Qarashku yahay bishi 17 milyan taasoo macnaheedu yahay inaan ku kabno 6 miljan oo dayn ah bil walba.
Sida uu wasiirka sheegay Dakhliga DFs ee sanadkii wuxuu noqonayaa 132 milyan halka uu Kharashuna noqonayo 204 milyan, waxayna DFs u baahanaysaa inay dayn kusoo qaadato 72 milyan sandkii haddii aysan kordhin Dakhligeeda.
Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in dalka u baahan yahay soo celintii Astaanka Qaranka oo ahayd lacagta Shilin Soomaaliga ah, samaynta lacagtaasna waxaa ay qayb ka tahay shuruudaha ay IMF ku xirtay sidii Soomaaliya daynta looga cafin lahaa, waxaana laga rajo qabaa in lagu guulaysto dhamaadka sanakdaan in dib loo soo daabaco lacago shilin Soomaali ah oo cusub.
“Daymaha faraha badan ee nalagu leeyahay waa kuwo naga hortaagan inaan dib u dhis ku samayno kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaan hada ku guda jirnaa tirkoobka daymahaas, horaanta bishii June ayaan kala saxiixanay IMF qaabkii nalooga cafin lahaa daymahaas” ayuu yiri Wasiir Bayle
Ugu danbayntii Wasiirka ayaa ka warbixiyey shirk ka dhacay dalka Isutaga Imaraatka Carabta bartamaha bishii hore kaas oo looga hadlayey nidaamka xawaaladaha dalku ku shaqeeyaan.
“Lacago faro badan ayaa xawaalad ahaan lagu keenaa dalka, waxyna badankoodu ka yimaadaan dibadaha waan nolosha shacabka Soomaaliyeed, waxaana hada qarka u saaran yihiin in la joojiyo, waxaana aduunku ka soo horjeedaa qaabka lacagtaas ku baxdo, waxaana loo baahan yahay in helo qaab lagu ogaan karo ilaa qofka u danbeeya ee lacagtaas ay gaarto. Waxaana cid walba kala hadalanay in lacagaahaas aan la jarin, waana lagama maarmaan ah in dadka laga rabaa qof kasta inuu samaysto aqoonsi uu lacagta ku qaato, waana arin socoto qaabkii loo wajihi lahaa” ayuu yiri Wasiirku
Daawo barnaamij dhamaystiran
Puntlandes.com