Sawiro: Madaxwaynaha Puntland oo la shiray Agaasimayaashii uu dhowaan magacaabay

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta kullan aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kula qaatay Agaasimayaasha Guud ee 12-Wasaaradood oo uu 8-Oc-2014 ku soo magacaabay Digreeto 13-Agaasimayaal Guud .

Madaxweyne Gaas ayaa agaasimiyaashi ka qayb galay kullanka ku wargaliyey in masuul kasta looga baahanyahay in shaqadiisa uguto sida waajibka tastuuriga ah uu farayo,islamarkaana loo baahan yahay in ay la jaanqaadaan isbadalka laguna qiimayn doono hufnaanta shaqadiisa agaasime walba.

Madaxwaynaha ayaa hadalkiisa dardaaranka ah raaciyay in loo baahanyahay howlkarnimo dheeraad ah oo ay waajibaadkooda shaqo ku gutaan,islmar ahaantaasna Masuul walba looga fadhiyo in uu Ilaaliyo hantida qaranka isaga oo ka dheeraanaya musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Agaasimayaasha Cusub ayaa dhankooda sheegay in ay jirtay habacsanaan Maamul oo baahsan kana jirtay Wasaaradaha,taasi oo ay ka taktay Xakuumadii hore islamar ahaantaana loo baahan yahay sida uu Madaxweynuhu sheegay in lagu sameeyo isbadal dhab ah iyo nidaam Dawli ah oo ka hana qaada Puntland.

Waxana ay sidookale balan qaaden in ay fulin doonaan waajibka dastuuriga ah iyo dardaaranka Madaxweyne Gaas,wasaaradaha dhexdoodana ay yeelan doonaan wada shaqeyn kana dheeraan doonaan musuq maasuq.

Sawiro

815

816

817

818

819

 

Puntlandes.com

About The Author