Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmaya
04 July 2017 (Puntlandes) Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka socda qaban qaabada shirka looga hadlayo Amniga Qaranka Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxaa ka qaybgalaya Madaxda dowladda Fadaraalka iyo Madaxda dowlad gobaleedyada dalka, waxaana shir guddoomin doona madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed c/laahi Farmaajo.
Shirkaan ka furmaya magaalada Muqdisho berri oo ay ah 5ta july 2017ka ayaa wuxuu socon doonaa mudo labo maalmood ah, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Puntlandes.com