Dhagayso: Wareysi uu Ra’iisul Wasaare Kheyre kaga watrbixinayo xaalka iminka ee Soomaaliya
04 July 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha DFS Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay oggolaatay inay xorriyaddooda usoo celiso maxaabiis gaaraya 120 qof oo ku xirnaa waddankaasi, ayna ku wareejisay dawladda Soomaaliya.
Waraysi gaar ah oo uu siiyey VOA isaga oo ku sugan dalka Itoobiya ayuu ku sheegay inay sidoo kale ay ka shaqeynayaan in dawladda Soomaaliga lagu soo wareejiyo maxaabiis kale oo ku kala xiran waddamada Siishilis iyo Muurishiyas.
Dhagayso waraysiga
Puntlandes.com