Sawirro: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Addis Ababa kula kulmay Wasiirka A. Dibadda Sacuudiga

05 July 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha DF Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Caadil Al-Jubeir.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay, albaabadana ay u xirnaayeen ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee Sacuudiga iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay in isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ay ka wada hadleen xiriirkasoo jireenka ah ee labada dal.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Xulafada Sacuudiga hoggaamiyo iyo dowladda Qatar iyo go’aankii dowladda Soomaaliya ka qaadatay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa booqasho ku maraya wadamo dhowr ah oo Afrikaan ah, si uu taageero ugu raadiyo go’doominta la saarayo Qatar.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa bishii hore ka qaatay khilaafka wadamada Khaliijka mowqif dhex dhexaad ah, hase ahaatee dowladda Sacuudiga ayaa ka carootay, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay joojiyay taageero dhaqaale oo ay siin laheyd Soomaaliya.

Sacuudiga ayaa wali ku cadaadineysa dowladda Soomaaliya inay ka laabato go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa, si Sacuudiga u bilaabo mashaariic uu horay ugu balan qaaday Soomaaliya.

Wafdi Wasiiro ahaa oo bishii hore tagay Sacuudiga, si ay Wasiirada dhiggooda ah ula soo saxiixdaan mashaariicda horumarineed ee Sacuudiga u balan qaaday Soomaaliya ayaa waji gabax kala soo kulmay, dibna dalka ugu soo laabtay, iyagoo fara maran.

Ilo Diblomaasiyadeed oo ku dhow dhow Madaxda Soomaaliya ay markii hore ku kala aragti duwanaayeen mowqifka laga qaadanayo xiisada, waxaana xubno ka tirsan dowladda ay qabeen, iyagoo la eegayo danaha Soomaaliya ee Sacuudiga in ugu yaraan hoos loo dhigo xiriirka Qatar, balse taas uu ka hor-yimid Madaxweyne Farmaajo oo saaxib dhow la ah Fahad Yaasiin oo ka tirsan Sir doonka dalka Qadar uuna Farmaajo dhawaan ka dhigay Agaasimaha Madaxtooyada.

Sacuudiga, Imaaraadka Carbta, Baxreyn iyo Masar ayaa bishii hore xiriirka diblomaasiyadeed u jraya Qatar, iyagoo saaray xayiraad ganacsi, kana xirtay xuduudahooda badda, berriga iyo hawada, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageero dhaqaale siiso Argagixisada.

Soomaaliya ayaa xiriir dhow oo ganacsi iyo dhaqaale oo soo jireen ah la leh dalalka ay ka mid yihiin Sacuudiga, Imaaraadka Carbta iyo Masar mana aha Siyaasad habon in xiriirkaas la dayaco lagana door bido Qadan oo aan Soomaaliya la lahayn xiriir.

Madaxweyne Farmaajo arintan waxa uu dayacay mas’uuliyadii ka saarnayn ilaalinta danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Daawo sawirrada

40

40a

About The Author