Maxamed C. Farax Bootaan oo kusoo biiray Xildhibaanada Puntland
06 July 2017 (Puntlandes) Maxamed Cabdi Faarax Bootaan (Shiike) ayaa bishan july bilowgeedii loo dhaarshay ka mid noqoshada Baarlamaanka dawladda Puntland.
Xildhibaan Bootaan ayaa kasoo jeeda Gobolka Mudug wuxuu bedelay AUN Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo u geeryooday dhawaac kasoo gaaray qarax lagu xiray baabuurkiisa isagoo markaask safar shaqo u joogay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Xildhibaan Maxamed Shiike ayaa ka mid ahaa Qurbojoogta aadka u firfircoon ee dalka UK, wuxuuna durba bilaabay inuu abaabulo oo isku keeno Xildhibaanda kasoo jeeda Gobolka Mudug oo tiradoodu tahay 11 Xildhibaan.
Kullukooda kadib waxay Xildhibaanada Gobolka Mudug la shireen WaxGaradka Gobolka & Guddoomiyaha Gobolka. Shirkaasi oo ka dhacay Xarunta Shirarka Ee Gobolka Mudug.
Bahda Warbaahinta Puntlandes waxay u hambalyeynaysaa Xildhibaan Maxamed Shiike oo ah nin karti iyo aqoon u leh xilkan culus kana soo bixi kara, waxayna Allah uga baryeysaa inuu u fududeeyo.
Puntlandes.com