Xog : Kooxdii Madaxweyne Xasan oo Cunaqabateyn safarka ah lagusoo rogey, Akhriso Magacyadooda

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Warbaahinta Puntlandes.com heshay ayaa sheegaya in dhowr nin oo aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Culusoow ku lehna awood aad iyo aad u saraysa xafiiska maxaweynaha ay Beesha Caalamku go’aansadeen in xanibaad dhinaca safarka iyo dhaqaalaha ah lagu soo rogo.

Kooxdaan ayaa loo arkey iney khatar ku yihiin Dadaalka ay beesha caalamku ugu jirto taakuleynta Soomaaliya iyo Hiigsiga qorshaha 2016 isla markaasna ay curyaamiyeen Ha’yadihii Dowliga ahaa. Ayna hada ka shaqeeyeen ama sababeen Khilaafka ragaadiyey DFS.

Dhorwkan nin oo ay Puntlandes heshay magacyadooda ayaa waxay kala yihiin.

1–Wasiir Faarax Cabdulqaadir

2– Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasiirkii hore ee Amniga iyo Arimaha Gudaha

3–Cabdullaahi Sanbalooshe oo ahaan jirey Taliyihii NSS.

4– Cali Sheikh Xasan oo ah Madaxweynaha Walaalkiis.

5–Fahad Yaasiin oo ahaa wariye Al-Jezeera u shaqeeya.

Dhorwkan nin ayaa si toosa loogu eedeynayaa iney lugwayn ku leeyihiin Musuq maasuq baaxadweyn oo lagu sameeyey Lacago Beesha Caalamku ugu deeqdey Soomaaliya, Ku takrifal awoodeed iyo in ay Taakp ku yihiin Geedi socodka nabada Somalia. Wxaa kale oo lagu soo eedeeyey in ay lacagihii ummadda ka dhaxeeyey ay si toosa ugu adeegsadeen Mooshinkii Lagu ridey Raysal wasaare Saacid iyo Mooshinka hada u muuqda inuu dhocisoobey ee ka dhanka ah Raysal wasaare Cabdiwali.

Waxaa kaloo lagu eedeynayaa iney ragaan maja xaabiyeen Qorshihii Geedisocodka ee 2016 ayna khalkhal siyaadeed ka abuureen laamaha Dowliga ah ee Dowlada Federaalka.

Waxaa kaloo lagu eedeynayaa iney ka qaybqaateen hurinta Dagaalo sokeeye oo loo adeegsadey Hubkii loogu deeqey Dowlada Federaalka.

Waxaa kaloo eedeymaha ka mid ah tuhun ah dhinaca taakuleynta Al-shabaab si ay u fushadaan dano gaara.

 

Puntlandes.com

About The Author